Turkiga oo si adag u canbaareeyey heshiiska Imaaraatka iyo Israil

Published: August 14, 2020

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga, war ay ka soo saartey heshiiska Isutagga Imaaraadka carabta iyo Israel waxaana ay ku tilmaantey mid Imaraadku ku khiyaamey dadka reer Falastiin oo munaafaqnimo ah.

“Taariikhda iyo damiirka ummadaha gobolkan ma ilaawi doonaan waligoodna ma cafin doonaan falkan munaafaqnimada ah ee ay qaaday Imaaraatka Carabtu, kaas oo ku khiyaameysey Falastiin, iyaga oo raadinaaya danahooda gaarka, si ay Falastiin u dhigaan heer ay isdhiibaan, ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Arrimaha Dibadda ee Turkiga.

Dowlada Imaaraatiga iyo Israel ayaa ku dhawaaqay inay gaareen heshiis ah inay xiriir toos ah yeeshaan, labadan maamul ayaa muddo ka badan 10 sano lahaa xiriir qarsoodi ah balse waa markii ugu horeysay oo ay si rasmi ah ugu dhawaaqaan.

Heshiiskan ayaa lagu soo beegay xili Raysalwasaaraha Israil Benjamin Netanyahu ay ku socdaan mudaharaad ay shacabkiisa uga soo horjeedaan musuq maasuqa xukuumadiisa, halka Madaxweynaha Maraykanka Trump uu isaguna walaac ka qabo ololihiisa doorashada Maraykanka ee dhaceysa bisha Nofember.

Xiriirka Turkiga iyo Imaaraadka Carabta ayaa ah mid aad u xun, sidoo kale Turkiga.

Turkiga oo horey xiriir kala dhexeeyey Israel ayaa sanadkii 2011 hoos u dhigey xiriirkaas, waxaana ay dalkoda ka cayriyeen safiirkii israel, sidoo kale waxay ahaayeen codka ugu dheer ee ka soo horjeeda boobka Yuhuudu ku hayso dhulka yar ee u harey Falastiin.

Khalaid Yusuf
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *