Farmaajo Oo Gaaray Dhuusamareeb (SAWIRO)

Published: August 15, 2020

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa galabta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.

Waxaa madaxweynaha iyo wafdigiisa Dhuusamareeb kusoo dhoweeyey madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor iyo madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle oo kaga sii horeeyey Dhuusamareeb.

Madaxweynaha ayaa halkaas kaga qaybgali doona wajiga 3aad ee shirka Dhuusamareeb kaas oo ay dowlada federaalka iyo dowlad goboleedyadu kaga arrinsanayaan qaabka ay noqonayso doorashada 2020/2021.

Farmaajo oo maanta hortagey golaha shacabka ayaa sheegay heshiis kasta oo kasoo baxa shirka Dhuusamareeb 3 inuu dib ugu soo celin doono baarlamaanka si ay go’aan uga gaaraan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *