Lebanon: Xisbullah oo diiday in Beesha Caalamka wax ka baarto Qaraxii Beyruut

Published: August 15, 2020

Hogaamiyaha Kooxda Shiicada ah ee reer Lubnaan (Xisbullah) ayaa kasoo horjeestay in Saraakiisha ka socota Hay’ada FBI ee Maraykanka ka qeyb qaadato baaritaanka lagu wado waxa sababay qaraxii xooga badnaa ee ka dhacay dekada magaalada Beyruut.

Khabiiro ka socda Booliiska Faransiiska iyo Hay’ada danbi baarista Maraykanka ee FBI ayaa la sheegay inay gacan siin doonaan kooxda baaritaanka gacanta ku heysa ee Dowlada Lubnaan.

Shacabka reer Lubnaan oo dowladooda ku eedeeyey musuq maasuq ayaa horey u codsaday in Beesha Caalamka iyadu baarto cida lahayd danbiga qaraxii Beyruut oo ay ku dhinteen in ka badan 160 qof, halka ay ku dhaawacmeen 6000 qof, qaraxan ayaa burburiyey inta badan caasimada Lubnaan oo ay ku baro-kaceen dad ka badan 300-kun qof.

Kooxda Shiicada ah ee Xisbullah oo kamid ah dowlada Lubnaan iyo kooxaha awooda kuleh dalkaasi ayaa sheegtay inay iyadu kasoo horjeedo in Beesha Caalamka baarto cida leh eeda qaraxii Beyruut, hogaamiyaha kooxdaasi Xassan Nasrallah ayaa sheegay in Maraykanka uu doonayo inuu danbiga ka leexiyo Israel hadii ay ku lug lahayd qaraxaasi, aana lagu kalsoonaan karin khabiirada reer Galbeedka ah.

Madaxweynaha Lubnaan Michael Aoun ayaa kamid ahaa dadka kasoo horjeeda in caalamka gacan kasiiyo dowlada Lubnaan baaritaankan, balse waxaa hada muuqata in khabiirada ka socda Maraykanka iyo France ay gaareen Beyruut, walow aan la aqoon heerka ay gaarsiisnaan doonto awooda ay ku yeelan doonaan baaritaanka socda.

Hanad Askar
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *