Maxaa Ka Soo Baxay Kulankii Guddiga Joogtada ah Aqalka Sare?

Published: August 15, 2020
Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi

Guddiga Joogtada ah ee Golaha Aqalka Sare, kulankiisa seddexaad, Kalfadhiga 7aad ee maanta oo ay taariikhdu tahay 15 Aug. 2020, isaga oo xoojinaya dedaalka Golaha Aqalka Sare uu ku bixiyay dib-u-bilaabashada wada-hadallada Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada isla markaasna bogaadinaya warmurtiyeedyadii ka soo baxay Shirarkii Dhuusamareeb I iyo II, Guddigu wuxuu ku guddoonsaday kulankiisa qodobbada soo socda:

  • Waxaan ku bogaadinaynaa Dowlad Goboleedka Galmudug iyo Shacab-weynaheeda gogosha Soomaaliyeed ee ay u fidiyeen mas’uuliyiinta
    labada heer dowladeed si ay uga wada-hadlaan arrimaha masiiriga ah ee Qaranka.
  • Waxaan ugu baaqaynaa mas’uuliyiinta labada heer dowladeed ee u madlan in ay isugu yimaadaan Shirka Dhusamareeb III oo ku astaysanaa maanta 15 Agoosto 2020 in laga wada shaqeeyo sidii uu u qabsoomi lahaa shirkaas isla markaasna ahmiyad gaar ah la siiyo ka qeygalkiisa.
  • Waxaan u soo jeedinayaa, annaga oo maanka ku hayna ahmiyadda uu shirkaasi u leeyahay Ummadda Soomaaliyeed xilligan kala guurka ah, in mas’uuliyiintu ka miro-dhaliyaan shirkaas laguna soo soo saaro go’aanno dhaxalgal ah oo Dalka ka samatabixiya xaaladdaan ka guurka ah.

Faafin Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *