Puntland: Nidaamka Xisbiyada oo si rasmi ah loogu walqalay

Published: August 15, 2020

Guddiga kumeelgaarka ah ee Doorashooyinka Puntland ayaa si rasmi ah u guddoonsiiyey toban urur siyaasadeed shahaadooyinkii aqoonsiga kadib markii ay ka soo gdbeen wareegii kowaad ee kala reebidda ururada is-diiwaan geliyey.

Xafladda shahaadooyinka lagu guddoonsiiyey ururada siyaasadda oo si heer sare ah loo soo agaasimey ayaa maanta oo taariikhdu tahay 15 Agoosto lagu qabtey magaalada Garoowe. Waxaa ka soo qaybgalay Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan, Guddoomiyaasha Urarada siyaasadda, Madaxweynihii hore ee Puntland ahaana raysalwasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdiweli Cali Gaas, Guddoomiyaha hay’adda xuquuqul aadanaha Puntland, iyo guddoomiyaha Maxkamadda sare.

Guddoomiyaha Guddiga kumeelgaarka ah ee doorashooyinka Puntland Guuleed Saalax Barre ayaa sheegay in maanta laga bilaabo loo gudbey sumadda ururada oo laga gudbey dhamaan sumadihii kale taasna waxay keensaneysaa ayuu yiri in Urarada siyaasadeed ay yeelanayaan xuquuq iyo waajibaad, ayna jiri doonto waxyaabo ka reebanaan doona oo ay ku waayo karaan shahaadada maanta la guddoonsiiyey.

Guuleed Saalax Barre ayaa sheegay in maanta laga bilaabo urarada siyaasadeed ee Puntland ay noqonayaan kuwo u siman warbaahinta Puntland oo aysan jiri doonin in ay hal dhinac keliya wax u gudbiyaan, sidoo kale xuquuqda loo siman yahay ayuu ka xusey:

  • In ay cabbiri karaan fikirkooda siyaasadeed, dowladda dhaliili karaan, dhexdoodana is dhaliili karaan iyada oo la ilaalinaayo xasiloonida guud
  • In ay abaabuli karaan isu soo baxyo siyaasadeed
  • Lama xiri karo urur siyaasadeed
  • In ay dacweyn karaan isla guddiga doorashada haddii ay cabasho qabaan.

Waxyaabaha ka reeban in ay faraha la gallaan ayuu ku sheegay

  • In aysan dhaqaale ka heli karin dalal shisheeye ama ururo dano kale leh
  • In ay guddiga la socodsiiyaan haddii ay xeerkooda wax ka beddeleen
  • In qaab dhismeedka ay ku heleen shahaadada aysan beddeli karin oo noqon karin urur u abaabulan sida qabiil ama wax kale
  • Inaan hantida Dowaldda loo isticmaali karin dano urur siyaasadeed
  • In aan ciidamada loo isticmaali karin arrimaha ururada siyaasadeed

Arrimahan oo dhan haddii ay cadaato ayuu sheegay Guddoomiye Guuleed in ay kala noqon karaan ururkaas aqoonsiga, sidoo kale waxaa aqoonsiga lagu waayi karaa in ururka dhexdiisa la isku qabsado oo khilaaf la xalin waayo ka dhex dilaaco.

Waxaa lagu wadaa ka hor dhamaadka sanadkan in Puntland qabato doorashooyinka goloyaasha deegaanka, inkasta oo xanuunka COVID-19 saameyn ku yeeshey.

Saddexda urur ee ku guuleysta doorashooyinka goloyaasha deegaanka ayaa noqonaya Xisbiyada rasmiga ah, halka 7-da kale ay ku kala biiri doonaan Xisbiyada soo baxay.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo xukuumadiisa ayaa si weyn loogu amaaney in ay dardar geliyeen hirgelinta nidaamka xisbiyada markii u horeysey, waxaana haddii ay hirgasho noqoneysaa in Puntland ka gudubto nidaamka soo xulidda ee 22 sano una gudubto nidaanka is doorashada.

Xisbiyada shahaahada helay ayaa kala ah:

  1. Urur siyaasadeedka runta iyo cadaalada
  2. Urur siyaasadeedka shaqaalaha
  3. Urur siyaasadeedka dhalinyarada
  4. Urur siyaasadeedka cadaaladda iyo sinnaanta
  5. Urur siyaasadeedka Kaah
  6. Urur siyaasadeedka Mideeye
  7. Urur siyaasadeedka Mustaqbal
  8. Urur siyaasadeedka Himilo
  9. Urur siyaasadeedka Horseed
  10. Urur siyaasadeedka Ifiye

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *