Shirka Dhuusamareeb oo loo kala ordaayo kadib dignintii Beesha caalamka

Published: August 15, 2020

Maantey oo ah 15 Agoosto waxaa loo ballansanaa in Dowladda federaalka iyo Dowlad goboleedhyada xubnaha ka ah ay shir isugu yimaadaan magaalada Dhuusamareeb si loo asteeyo nooca doorasho ee dalku qaadanayo loona dejiiyo dhabbaha khariidada ee xaaladda kala guurka.

Maalintii shalay ee Jimacada ma muuqan wax ifafaalo ah oo muujinaya in shirkaasi qabsoomayo.

gelinkii danbe ee shalay ayaa beesha caalamku soo saartey digniin aad u adag oo ku socota dhamaan Madaxda Federaalka iyo kuwa Dowlad goboleedyada, loogana digey in shirkaas la baajiyo, cidkasta oo baajisana loo arkaayo carqalad.

Xafiiska Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi farmaajo ayaa xaqiijiyey in uu maanta tegaayo magaalada Dhuusamareeb si loo anbaqaado shirkii horey u socdey, arrintan ayaa ku soo beegmeysa iyada oo madaxweyne Farmaajo maanta Xildhibaanada Golaha Shacabka u ballansadey in uu khudbad u jeedin doono, taas oo la filaayo in uu diirada ku saari doona xaaladda kala guurka iyo doorashada.

Wararka Horseed media heleyso ayaa sheegaya in Madaxweynayaasha Hirshabelle iyo Koonfur galbeed oo iaygu muddooyinkii danbe ku sugnaa Muqdisho ay tegayaan Dhuusamareeb.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dalka ka maqan, waxaana uu safar ugu maqan yahay Jabuuti, warar Horseed soo gaaraya ayaa sheegaya in Madaxweynha diyaarad khaas ah maanta geyn doonto magaalada Garoowe. Dadka ka faallooda siyaasadda ayaa sheegaya in haddii Madaxweyne Siciid Deni ku tegi waayo Dhuusamareeb 24 saac ee soo socota looga adkaanayo legdanka siyaasadda ee socda.

Madaxweynaha Jubaland oo isiagu horey safar aan la shaacin ugu tegey dalka Kenya ayaa wararku sheegayaan in uu sugaayo inta Dhuusamareeb lawada tegaayo.

Si kastaba maanta furitaankii shirku dib ayuu uga dhacay waana lagu fashiley in wakhtigiisi lagu furo, sidoo kale waxaa diyaar garow aan wanaagsaneyn ka jiraa magaalada Dhuusamareeb, waxaana laba maalmood ka hor halkaas gaarey Madaxweynaha galmudug Axmed Cabdi Kaariye, waxaana 12 saac ee u danbeeyey la dedejiyey diyaar garowga shirka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *