Wasiiru Dowlihii Madaxtooyada Puntland oo geeriyooday

Published: August 15, 2020

Waxaa maanta magaalada Garoowe ku geeriyoodey Wasiiru Dowlihii Madaxtooyada Maxamed Xassan Ciise, sida ay Horseed u xaqiijiyeen ehelkiisu.

Maxamed Xassan Ciise ayaa horey uga shaqeyn jirey ururada samafalka, waxaana uu muddo dheer u shaqeynaayey hay’adda al-Manhal. Wuxuu siyaasadda ku sii biirey sanadkii 2019, kadib markii Madaxweynaha Puntland ku soo daray golaha wasiirada.

Sida heelka wasiirku Horseed u sheegay, waxa uu xanuunsanaa ilaa afar maalmood waxaana hayey neefta. Waa wasiirkii labaad ee Puntland ka geeriyooda sanadkan, waxaana horey u geeriyoodey Wasiirkii Deegaanka Ismaaciil Gama’diid.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *