Faahfaahinta weerarkii Muqdisho ka dhacay

Published: August 16, 2020

Waxaa saacado badan kadib la soo afjarry weerarkii koox aegagixiso ah ku galeen Hotel Elite mavaalada Muqdiaho. Waxaa laga soo badbaadiyeen dadkii ku go’doomay Hotelka, Baaritaano ayaaana ciidanku amnigu wadaan.

Dad ka badan 150 qof oo isugu jira Wasiiro, Xildhibaanno iyo dad rayid ah ayay ciidamada ka soo badbaadiyeen hotelka, waxaa kaloo ku jiray dadka la soo badbaadiyay mulkiilaha Hotel Elite ee magaalada Muqdisho, oo ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka.

Inta lla xaqiijiyey 16 qof ayaa ku geeriyoodey weerarka, waxaana ku dhaawacmey dad kor u dhaafaya 30 qof sida uu sheegay taliyaha qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir Maxamuud Cabdulqaadir Xaaji (Jeego)

“Dadka ku dhintay weerarka ee 16 ka ruux ah 5 ka mid ah waxaa ay ahaayeen Meleeshiyadii weerarka fulisay, Halka Ciidamada Booliska Harmacad ee howlgalka gurmadka ah sameeyay uu ka geeriyooday 1 Askari” ayuu yiri Taliyuhu

Taliye ka tirsan ciidanka amaanka oo lagu magacaabo Farxaan ayaa STN u sheegay in howlgalka ay bilaabeen kadib markii dadka laga soo saaray ayna toogteen dhammaan kooxdii argagixisada ee gudaha ka dagaalamayay.

Taliyaha wuxuu intaa ku daray in maleeshiyada weerarka fuleysay ay ahaayeen 4 nin oo mid walba ku hubeysnaa qoriga AK47.

Afarta qof ee weerarka soo qaadey ayaa ka dagay gaari 3RZ oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa, kaasoo oo ay dhigeen banaanka Hotelka, markuu qarxay kadibna ay gudaha u galeen Hotelka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *