Madaxweynaha Puntland oo dalka dib ugu soo noqdey – SAWIRO

Published: August 16, 2020
Madaxweynaha Puntland oo ka soo duulaya Jabuuti

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wefdigiisi ayaa dib ugu soo noqdey Puntland, kadib safar qaatey 5 maalmood oo uu ku tegey magaalada Jabuuti ee xarunta jamhuuriyadda jabuuti.

Mudadadii Madaxweynaha Puntland ku sugnaa Jabuuti ayuu la kulmey Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele, Wasiirka Arrimaha dibadda, kan ganacsiga, maamulka dekadaha Jabuuti, waxaana ay ka wada hadleen iskaashiga labada dhinac ee xiriirka ganacsiga iyo isu socodka.

Ma cadda in Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni uu tegi doono Dhuusamareeb, halkaaas oo uu ka socdo dedaalka lagu furayo shirkii loo ballansanaa ee caqabadaha lagu hor gudbey.

Dowaldda Jabuuti ayaa maqaam sare ku sii sagtootisey Madaxweynaha Puntland, waxaana lagu tilmaamey in uu ahaa safar guul ku soo dhamaadey, dhawaana uu bilaaban doono xoojinta ganacsiga iyo iskaashiga labada dhinac.

Waxaa magaalada Garoowe ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Puntland ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *