Qarax lagu weeraray Elite Hotel Muqdisho

Published: August 16, 2020

Qarax loo adeegsaday gaari ayaa lagu weeraray hotel-ka Elite ee ku yaalla xeebta Liido ee magaalada Muqdisho. Waxayna wararku sheegayaan inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawaca.

Wararka ayaa sheegaya markii uu qaraxu dhacay kadib in rag hubaysan ay gudaha u galeen hoteelka, xiligaas oo ay ku sugnaayeen dad badan oo rayid ah.

Xeebta Liido oo ahayd goob nasasho ayaa qaraxa ka dhacay waxaa laga maqlay inta badan xaafadaha Muqdisho.

Ma jirta wali war rasmi ah oo ku aadan khsaaraha weerarka, balse telefishinka dolwadda ee SNTV ayaa ku warramay in agaasimihii xiriirka gobollada ee wasaaradda Warfaafinta Cabdirisaaq Cabdi uu ku dhintay qaraxa. Wuxuu sidoo kale telefishinku sheegay inuu qaraxaasi ku dhaawacmay mid ka mid ah sawir qaadayaasha telefishinka Maxamed Cabdi Xuseen

Ilaa iyo hadda ma jiraan wax war oo kasoo baxay maamulka gobolka Banaadir iyo dowlada Soomaaliya oo ku saabsan qaraxan.

Guddoomiyihii Gobolka Banaadir ayaa maanta gaarey magaalada Dhuusamareeb, waxaana weerarku dhacay xili soodhaweyntiisa lagu jiro.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *