Wefdigii Goodax Barre oo qarax miino ka badbaadey gobolka Gedo

Published: August 16, 2020
Muuqaalka gaariga miinadu la kacdey

Wefdi uu hogaaminaayo siihayaha wasiirka waxbarashada xukuumadda federaalka Cabdullaahi Goodax Barre ayaa maanta gaarey gobolka Gedo halkaas oo u tegey in dugsi sare uu soo dhagax dhigo.

Miinada nooca dhulka lagu aaso ayaa lagula eegtey meel u dhaxaysa Doollow iyo Beled Xaawo, waxaana burbur xooggan gaarey mid kamid ah gawaaridii wefdigu watey, waxaana dhaawac ka soo gaarey Xildhibaan Cabdicasiis Dhegaqool.

Ururka al-Shabaab ayaa sheegtey weerarka loo adeegsadey miinada dhulka lagu qariyo.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *