Al-Shabaab oo weerar ku qaadey saldhig ciidan oo ku yaala gobolka Baay

Published: August 17, 2020

Subaxnimadii hore ee maanta oo isniin ay ayaa Malayshiyaadka al-Shabaab weerar qorsheysan ku qaadeen xerada ciidanka Goofguduud, ee dhacda duleedka magaalada Baydhabo.

Wararku waxay sheegayaan in weerarka ay ku bilaabeen gaari bom lagu soo xirey, kadibna uu bilowdey dagaal toos ah, Al-Shabaab ayey u suurta gashey in ay xerada galaan sida ay xaqiijiyeen ilo ku dhaw si dhab ahna looma oga khasaaraha ka dhacay halkaas. Ugu yaraan 10 askeri oo ka tirsanaa ciidanka dowladda ayaa ku nafwaayey weerarkan.

Saldhigga Goofguduud ayaa Baydhabo u jira 30km, bishii Diseember 2019 ayaa sidaan oo kale malayshiyaadka al-Shabaab weerar ugu qaadeen xerada, waaana goobaha laga difaaco magaalada.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *