Guddiga Gurmadka Qardho Oo Bilaabay Bixinta Dhaqaalihii Ay Aruuriyeen (SAWIRO)

Published: August 17, 2020

Guddiga Gurmadka Fatahaadaha Qardho ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray wajiga labaad ee gurmadka oo ah qaybinta dhaqaalihii ay aruuriyeen ee loogu tallagalay dadkii uu khasaaraha u geystay daadkii bishii 4aad ee sanadkan 2020 kusoo dhacay magaalada Qardho.

Waxaa daahfurka kasoo qaybgalay xubno ka tirsan xukuumada Puntland gaar ahaan wasiiradda arimaha gudaha, haweenka, hawlaha guud, caafimaadka iyo waxbarashada Puntland, Xildhibaano, maamulka gobolka Karkaar iyo kan degmada Qardho iyo masuuliyiin kale.

Guddiga gurmadka Qardho ayaa maanta ku wareejiyey raashin iyo jeeg lacageed ganacsatada yaryar ee khasaaruhu soo gaaray kuwaas oo tiradoodu guud tahay 1,400 oo qof, waxaana maanta gurmadka la siiyey 200 oo kamid ah.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *