Jubaland oo mowqif adag ka istaagtey shirka Dhuusmaareeb 3

Published: August 17, 2020

Dowlad goboleedka Jubaland ayaa soo saartey war-saxaafadeed ka kooban laba bog oo ay si faahfaahsan uga hadashey sababta fashilka ku keentey shirka Dhuusmareeb 3, waxaana ay ku baaqdey in loo baahan yahay shirkaas la badbaadiyo, sida hadda wax u socdaana ay tahay mid aysan ku socon karin

War-saxaafadeed

Dowladda Soomaaliya waxay ku dhisan tahay nidaam federaali ah, waxayna leedahay dastuur ku-meel-gear ah oo kale hagaya hay’adaha kale duwan ee dalka. Dowlad Goboleedka Jubbaland waxay mar walba u taagan tahay dhowridda nimaadka federaalka ah iyo la shaqaynta hay’adaha dowliga ah ee ku dhisan nidaamka federalka.

Xukuumadda Federalka ah ee Soomaaliya, waxaa loo igmaday in ay wax ka qabato arrimaha amniga, dhammaystirka dib u eegista Dastuurka iyo xoojinta wada shaqaynta dowladda Federalka iyo dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka si loo suurto galiyo inay dalka ka qabsoonto doorasho qof iyo cod ah 2020-2021. Nasiib darro, sadex sano iyo badh ka dib, waxaa cadaatay in aan waxba laga qaban kaabayaashii suuro galin lahaa in doorasho qof iyo cod ah waqiigii loogu talo galay ku dhacdo. Arrintaasi waxay dadka Soomaaliyeed iyo beesha caalamkaba ku abuurtay cabsi iyo walwal la xiriira mustaqbalka siyaasadeed iyo midka amni ee dalka.

Dadaal dheer ka dib, waxaa lagu guulaystay in bishii July 2020 ay magaaladda Dhuusamareeb ku qabsoomaan shirar ku aadan soo celinta wadashaqeynta dowladda federaalka ah iyo dowladaha xubnaha ka ah iyo qabsoomidda doorasho waqtigeeda ku dhacda 2020/2021 oo muhiim u ah masiirka dalka. Shirarku wuxuu yididiilo galiyeen ummadda Soomaaliyeed iyo beesha caalamka oo mar walba Soomaaliya la garab taagan taageeradooda.

Waxaa xusid mudan. in shirkii dhuusamareeb 2 ka dib uu hoggaanka Dowladda Federalka ah qaaday tallaabooyin aan u adeegayn hirgalinta wixii lagu heshiiyay, caqabadna ku ah shirkii loo ballansanaa ee Dhuusamareeb 3, isla markaana dib u soo abuuray kalsooni darradii iyo walwalkii laga qabay mustaqbalka dalka.

Arrimahaas waxaa ka mid ah:

Waxaa meesha laga saaray xukuumaddii hoggaamin lahayd arrimaha doorashada ayadoo aan mid kalana la magacaabin.

Ku xadgudubka matalaadda Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka DFS sida ku xusan qodobka 61aad farqadiisa 3 iyo qodobka 71aad ee dastuurka KMG.

Shirkii Dhuusamareeb 2 ka dib, waxaa la sugaayay Dowladda Federaalka ah inay joojiso dhibaatada iyo faragalinta sharci darrada ah ee ay ka waday deegaanada Jubaland gaar ahaan gobolka Gedo sanadihii la soo dhaafay, waxaase nasiib darro ah inay wali sii socoto faragalintii sharci darrada ahayd.

Dowladda Federaalku waxay degmooyinkii ugu amaanka badnaa koonfurta Soomaaliya ka dhigtay kuwa ugu amaanka xun. Waxayna fursad u siisay nabad diidka Al-shabaab inay si sahlan masuuliinta iyo shacabka ku laayaan qaraxyo waxaa xusid mudan in maanta oo ay taariikhdu tahay 17/08/2020 ay ku naf wanyeen l3 qof oo isugu jira shacab iyo ciidan magaaladda Balad-Xaawo gobolka Gedo.

In la iska indho tiro baahida loo qabo heshiis siyaasadeed oo laga gaaro arrimaha doorashooyinka 2020-2021, ayadoo awoodda lagu xadidayo hay’ad gaar ah oo mudo-xileedkedii gabaabsi yahay, kana shaqaynaysa sidii ay kuraasta ugu sii fadhin lahaaycen.

Dowlad Goboleedka Jubaland waxay ku howlan tahay sidii loo badbaadin lahaa mirihii ka dhashay shirkii Dhuusamareeb I iyo 2, isla markaana heshiis siyaasadeed oo buuxa looga gaari lahaa qabsoomidda doorasho heshiis lagu yahay oo xiligeedii ku dhacda (2020-2021).

Sid oo kale. Dowlad Goboleedka Jubaland waxay ugu baaqaysaa Beesha caalamka inay Soomaalida ka caawiso qabsoomidda shirka Dhuusamarceb 3 loo dhanyahay lagana miro dhaliyo natiijooyinkiisa.
DHAMMAAD

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *