Lix qof oo ku dhimatey qarax ka dhacay Beled Xaawo

Published: August 17, 2020
sawirka VOA

Qarax xooggan oo sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhacay suuq ku yaala magaalada Beled Xaawo ee gobolka Gedo ee dhacda xadka Kenya, Suuqa ayaa ahaa goobaha dadku ku badan yihiin waxaana lagu kala iibsan jirey xoolaha.

Maamulka degmada Gedo ayaa VOA-da u xaqiijiyey in qaraxa ay ku nafwaayey 6 qof halka ay ku dhaawacmeen dad ku dhaawacmeen 8 qof oo kale.

Maalmihi u danbeeyey waxaa Dowladda Federaalku sii wadey daabulaadda ciidamo lagu tababarey Muqdisho kuwas oo diyaaarad lagu geeyey gobolka Gedo ee maamulka Jubaland.

Maalintii shalay waxaa qarax miino lagula beegtey siihayaha wasiirka waxbarashada Dowaldda Federaalka Cabdullaahi Goodax Barre meel u dhaxaysa Doolow iyo Beled Xaawo, waxaana uu sheegay in uu u tegey Gedo in uu soo dhagax dhigo dugsi sare.

Gobolka Gedo magaalooyinkiisa waaweyn badankood ayaa horey looga saarey al-Shabaab, inkasta oo ay hadda ku soo badatey hawlgalada nabadda liddi ku ah ee al-Shabaab.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *