Maxaa ka soo baxay kulankii Farmaajo iyo Madaxda DG, dalka?

Published: August 17, 2020

Habeenkii xalay waxaa ka dhacay magaalada Dhuusamareeb kulan ay isugu yimaadeen Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, madaxda Dowlad goboleedyada, waxaa kulanka ku weheliyey guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho ee uu soo magacaabey Madaxweyne Farmaajo Cumar Filish.

Kulankan waxaa dalbadey Madaxweyne Farmaajo, kadib markii ay u cadaatey in aan Puntland iyo Jubaland shirka imaaneyn ilaa la qaado dhiiqada Dowladda Federaalku la timid kadib shirkii Dhusamareeb 2.

Madaxweyne Farmaajo ayaa shirkii xalay ka soo jeediyey laba qorshe mideed in ay la gudboon tahay in ay sameeyaan.

  • In shirka uu furo oo intoodu ay sii wadaan hawsha qabyada ah, kana dalbadaan kuwa maqan in ay yimaadaan.
  • In ay soo saaraan war murtiyeed ay u dhan yihiin inta ku sugan Dhuusamareeb oo ay si wada jir ah mar kale uga dalabadaan Puntland iyo Jubaland in ay shirka ka soo qaybgalaan, beesha caalamkana laga canbaareeyo.

Madaxweynayaasha Dowlad gobloleedyada Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed ayaa si cad u sheegay labada qorsheba inaysan suurta gal ahayn ee loo baahan yahay xal kale, waxay ku doodeen in shirarka caynkan oo kale ah ay u baahan yihiin is qancin iyo isu tanaasul, sidaas darteed labada qorsheba waa ka cudur daarteen. Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye wuxuu ciyaarey Kaadhka martinimada, inkasta oo markii danbe uu ku aragti noqdey saaxibadiis oo uu sheegay in uu martigelinaayo shir loo dhan yahay waxaana ay Madaxweynaha ka codsadeen in la dulqaato oo aan lagu degdegin shir qabyo ah.

Ma cadda tallaabada labaad ee uu qaadi doono Madaxweyne Farmaajo, in uu dib ugu soo noqon doono Muqdisho oo uu magacaabi doono Raysalwasaare maadaama wakhtiga dastuuriga ah gabaabsi ka sii yahay, iyo in uu isku dayi doono cadaadis saaro madaxda Dowlad goboleedyada ku sugan Dhuusamareeb, si ee eeda iyo weji-gaxa meel kale u saaro, shirkana u furo.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *