Puntland oo faah-faahisey sida Farmaajo u bur-buriyey shirkii Dhuusamareeb

Published: August 17, 2020

War-saxaafadeed ka soo baxay Puntland ayaa si faah-faahsan looga hadley carqaldeynta Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku sameeyey natiijadii shirarkii Dhuusamareeb 1 & 2 iyo sida uu u majaxaabiyey Dhuusamareeb 3, waxaana ay ku xireen shuruudo lagama maarmaan ah in shir loo dhan yahay qabsoomo.

Hoos ka akhri warsaxafaafadeedka.

WAR-SAXAAFADEED

Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxay mar kasta u taagan tahay taaba-galinta dowlad Soomaaliyeed oo ku dhisan nidaamka Federaalka ee lagu heshiiyey. Dowladda Puntland waxay door hormuudnimo ah ka qaadataa ilaalinta iyo dhaqan galinta Dastuurka Ku-Meel-Gaarka ah iyo sharuucda kale ee Dalka. Waxay kaloo Dowladda Puntland dadaal xoog leh galisay, walina diyaar u tahay sidii loo gaari lahaa ls-faham siyaasadeed oo dhexmara Madaxda Dowladda Federaalka ah, Dowladaha xubnaha ka ah, Saamileyda siyaasadeed iyo dhammaan daneeyayaasha arrimaha Soomaaliya si xal loogu helo arrimaha cakiran ee Dalka oo ay ugu mudan tahay Doorashada 2020/2021.

Dowladda Puntland waxay bogaadinaysaa qabsoomaddii shirarkii Dhuusamareeb 1 iyo 2 oo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaanna Dowladda Puntland u arkaysay in uu jiray isu soo dhawaansho lagu gaari karo xal siyaasi ah ee arrimaha Doorashaoyinka Dalka. Dowladda Puntland waxay u aragtaa in Madaxda Dowladda Federaalka ah ay ka shaqaysay fashilinta natiijadii Dhuusamareeb 1 iyo 2 iyo qorshahii qabsoomidda Dhuusamareeb 3, ayna tusaale u tahay:

  1. In Barlamaanka loo isticmaalay in si aan sharci ahayn loo rido Xukuumaddii fulin lahayd qodobadii lagu heshiiyey Dhusamareeb 2.
  2. In Madaxweynuhu si aan waafaqsanayn Dastuurka u magacaabay sii hayaha Raysal Wasaaraha, taas oo ka soo horjeedda qodobka 130-aad ee Dastuurka Ku-Meel-gaarka ah ee Dowladda Federaalka.
  3. In Madaxweynuhu si farsamo ah u daahiyey magacaabista Ra’iisul Wasaaraha cusub, si aysan u hirgalin is-afgaradkii Dhuusamareeb 2 iyo qabsoomidda Dhuusamareeb 3
  4. In Dowladda Federaalka ah ay si la tashi la’aan ah isugu gaar yeeshay talada iyo tirada Guddigii Farsamada ee ka tala bixinta arrimaha doorashooyinka.

Khudbadii Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah uu ka jeediyey Golaha Shacabka 15-kii August 2020 waxay ahayd mid muujinaysa sida ay Madaxweynaha uga go’an tahay marin habaabinta dadaallada ay Dowladaha Xubnaha Ka Ah Dowladda Federaalku ku doonayaan in si isla ogol ah looga wada shaqeeyo qabsoomidda doorashada Dalka ee 2020/2021.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

2 Comments

  1. Faramajo dowlada somaliyed asagaa isu arka in uu dowladyahay magaran waxuu usoadey dhusamareeb hadan dowlad jirin. Sidy kacanky buu uhyagsta in ay Dowladu tahay. Qoor Qoor waxay somalidu ka codsaneysa in uu meshiisa kuxiro xabsiga walidan lageyo kadib somali isugu yeero si Dowlad lodhisto