Wasiirkii Beeraha Hirshabeelle Oo Lagu Dilay Jowhar

Published: August 17, 2020

Wasiirkii Beeraha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Xildhibaan Cabdiqaadir Abuukar karaani ayaa caawa lagu dilay magaalada Jowhar ee caasimada dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Wararka ayaa sheegaya in masuulkan la toogtay xili uu kasoo baxayey masjid uu ku tukaday salaadii cishaha, isla markaana kooxdii soo weerartay oo ku hubaysnayd bastoolado ay goobta ka baxsadeen.

Alle ha u naxariistee wasiirkii beeraha Hirshabeelle Cabdiqaadir Abuukar Karaani oo xilkan loo magacaabay maalmo ka hor ayaa sidoo kale ahaa mudane ka tirsan baarlamaanka Hirshabeelle.

Wali ilaa iyo hadda dowlada Hirshabeelle kama aanay hadlin falkan wasiirka lagu dilay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *