Qoor Qoor ma u gefay Puntland? – Hadaladii Shirkiisii Jaraa’iid

Published: August 19, 2020

Waxaa isa soo tareysa dhaliisha loo jeedinayo Madaxweynaha Galmudug Ahmed Kaariye Qoor-Qoor oo shirkiisii Jaraa’iid ee uu qabtay habeenimadii salaasada soogaleysay si lama filaan ah ugu sheegay inuu shirkii Dhuusamareeb 3 uu furan yahay xili ay weli ka maqan yihiin Puntland iyo Jubaland.

Qoor-Qoor oo ahaa madaxa maamulka madasha dhigay isla markaana laga filayey inuu ciyaaro kaalin dhex dhexaadnimo ayey la yaab noqotay erayada uu shirkiisa jaraa’iid adeegsaday.

Xubno kamid ah maamulka Puntland oo la hadlay Horseed Media ayaa sheegay inay gef u arkaan hadalada kasoo yeeray Madaxweynaha Galmudug.

Madaxweyne Qoor-Qoor ayaa shirkiisii jaraa’iid diirada ku saaray oo kaliya qabsoomida shirka Dhuusamareeb balse gebi ahaan soo hadal qaadin arrimaha waaweyn ee ku xeeran qabsoomida Shirka Dhuusamareeb 3 iyo falalka Villa Somaliya ee lagu burburiyey heshiisyadii kasoo baxay shirarkii Dhuusamareeb 1 iyo 2, taasi oo u dheertahay xil ka qaadistii Raysalwasaaraha iyo xukuumadii fulin lahayd qodobada lagu heshiiyey.

Hogaamiyaha Galmudug ayaa shirkiisa jaraa’iid ku soo beegay kadib markii Villa Somaliya ka gaabsatay inay ka jawaabto Qoraalkii kasoo baxay Dowlada Puntland, waxayna u muuqatay in jawaabtaasi laga sugayey xafiiska Madaxweyne Farmaajo uu la wareegay Qoor-Qoor oo hadaladiisii ay kamid ahaayeen:

…Wararka Hawada la isu-mariyo iyo Fariimo la isu gudbiyo xaalada ay Soomaaiya ku jirto iyo wakhtiga la joogo, kuma aadana wakhtigeediina Maaha!…” ayuu yiri Qoor-Qoor oo ka hadlayey qoraalkii kasoo baxay Puntland.

Waxaa sidoo kale hadaladiisa kamid ahaa

…Rajada weyn oo ku xiran (Shirka) oo ah doorasada uu dalka galayo in laga heshiiyo oo laga wadahadlo uma baahna inaan ka dib dhacno oo wakhtiga ku dhumo waxaan ku aadaneyn MASLAXADA!…”

Hadalkan oo loo qaadan karo in Puntland aysan ka hadlin Maslaxada dalka?

Hadaladan oo u muuqday in Qoor-Qoor uusan waxba kasoo qaadin arrimaha ay Puntland diiday isla markaana ka dhigay in Puntland aysan ka hadlin Maslaxda, eraygan oo ay si weyn u dhibsadeen qaar kamid ah mas’uuliyiinta Puntland.

Qoor-Qoor oo sii dhexgalay baaqii Puntland kasoo baxay ayaa meesha ka saaray in Beesha Caalamka ay damaanad qaado hirgelinta qodobada kasoo baxa shirka, wuxuuna sheegay inaan loo baahneyn Beesha Caalamka inay shirka goob-joog ka ahaato, arrintan oo uu Madaxweynaha Galmudug ku lumiyey kaalintii dhex-dhexaadnimo isla markaana diidmo toos ah kala horyimid codsigii Puntland oo kamid ahayd maamuladii u ololeenayey in shirarkan lagu qabto Dhuusamareeb.

…Madaxda Soomaaliyeed waa iska fahmeen, Dhuusamareeb 1 & 2 waa lagu soo heshiiyey, Dhuusamareeb 3-na waa lagu heshiin karaa, iyadaana DAMAANAD isu ah ummada Soomaaliyeed…” ayuu yiri Qoor Qoor oo aanba soo hadal qaadin wax yaabihii dhacay kadib shirarkii Dhuusamareeb 1&2.

Puntland ayaan weli ka jawaabin hadalka kasoo yeeray Madaxweynaha martida loo ahaa ee Qoor- Qoor, waxaase soo baxaya warar sheegaya in Madaxweynaha Galmudug damacsan yahay inuu yimaado Garowe si uu ulla kulmo Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni.

Madaxweyne Deni ayaa taageero badan uga helay gudaha Puntland iyo gobalada kale ee Soomaaliya qaabka uu uga jawaabay ficilada Villa Somalia iyo xiisada ka dhalatay xil ka qaadistii Raysalwasaaraha oo burburisay heshiisyadii kasoo baxay Dhuusamareeb 1 & 2 iyo jabintii qodobada Dastuuriga ah sida awooda Aqalka Sare oo uu Madaxweyne Farmaajo meesha ka saaray.

Madaxweynaha Puntland ayaa xiligan si weyn loo eegayaa sida uu go’aankiisa ugu adkeysto, xili Villa Somaliya ay dadaal ugu jirto sidii Madaxda Puntland iyo Jubaland loo keeni lahaa shirka Dhuusamareeb 3 oo la sheegay in la furay Isniintii lasoo dhaafay.

Maxamed Cismaan
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

5 Comments

  1. Arintu waa haddii Ban ki moon imaado ma ogolin doorasho 4.5, amase waa heshiiskii Galkacayo oo ahaa in 2021la qabto doorasho qof iyo cod ayna saxiixeen beesha caalamka, waxaase maqaalkan siyaado ku ah shacabka Puntland ayaa taageeray inaan la tegin dhuusamareeb (bal taas inaka hubiya)

  2. Fanax aanan lulmayn, lama lulo. Bahda Horseed Media oo aan ku niqiin warbixinno miisaaman, kama aynaan filayn in sidan suuqiga ah ay wax u qorto. Madaxweyne Qoor-qoor hadalkiisa xanaf waaka dhowranaa.

  3. Waxaan ka mid ahay shacabka Puntland ee wadanka debeda ka jooga. Runtii si dhow baan ula socdaa arrimaha wadanka ka socda. Waxaan si buuxda u taageersanahay mawqifka dawlada Puntland iyo go’aamadii kasoo baxay ee lagu diidey in Somaliya god lagu rido iyadoo la raacayo indha la’aanta Farmaajo iyo waxa Dhuusamareeb lagu huurinayo.

  4. Hadalo dhowr ah.. oo aan isaga munaasib u ahayn.. . Kaalintiisa shirkana ku haboonayn dhamaan ka soo qaybgaleyaashuna ay ka xigaan dhihideeda ayuu makaroofanka u qaatay…. maraa waaxid waa ka mahmahatay mr. Qoorqoor…!

  5. Oo idinka ma waxaad taageeraysaan inuu shirku burburo oo wadanka qalalaase ka bilawdo. Deni muu tago shirka oo ka jeediyo fikirkiisa, ma in la khasbo ayuu ka baqayaa hadduu shirka tago waa yaabe.