Hoggaamiyihii Mucaaradka Ruushka oo la aaminsan yahay in la sumeeyey

Published: August 20, 2020

Hogaamiyaha mucaaradka dalka Russia Alexei Navalny xaaladdiisa ayaa ah mid aad daran, dhaqaatiirta magaalada Omsk ayaa sheegay in isbitaal la dhigay kadib markii uu ku miyir beelay diyaarad uu ka soo qaatey gobolka Sibeeriya. Alexei Navalny oo ah 44 sano jir wuxuu ku jiraa koomo qeybta daryeelka degdegga ah ee lagu daryeelayo, ayuu yiri dhaqtarka Aleksandr Murahovski.

Af hayeenka Alexei Navalny Kira Yarmish ayaa sheegay in Navalny uu ku xanuunsaday diyaaradda, waxaana ay sheegtey in sun loogu daray shaah uu cabbey.

Shaaha wuxuu ahaa waxa kaliya ee uu cabi jiray ama wax ka cunay garoonka diyaaradaha ka hor inta uusan ku xanuunsan diyaaradda wax yar ka dib, Jarmisj ayaa sidaas yiri.

Dhakhtar kale oo ku sugan Cusbitaalka Omsk Hospital ayaa ka dib hadaladii uu Jarmish soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku sheegay inaysan hubin in Navalny la sumeeyay.

Navalny waxa uu caan ku ahaa dhaliilaha uu u jeediyo Madaxweyne Vladimir Putin.
Bishii Juun, wuxuu ugu yeeray aftida dastuurka cusub ee Ruushku inqilaab iyo ku xadgudubka dastuurka. Dastuurka cusub ayaa wadada u xaarey Putin inuu u tartamo mar kale doorashada.

Ka hor inta aanu miyir beelin wuxuu ku sii jeeday magaalada Moscow kadib safar uu ku tagey Siberiya halkaas oo uu kula kulmay musharixiin uu taageerayo ka hor doorashooyinka maxalliga ah ee bisha soo socota.

Navalny dhowr jeer ayaa lagu xukumay xabsiyo gaagaaban oo uu ku muteystay qabanqaabinta banaanbaxyo ayadoon fasax laga helin maamulka.

Siyaasiyiin badan oo mucaarad ah dalka Ruushka ayaa la sumeeyey, kuwaas oo looga dabategey dalal kale oo ay u baxsadeen.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *