Heshiiska Doorashada ee Farmaajo iyo Madaxda Dhuusamareeb ku sugan

Published: August 21, 2020

Waxaa caawa oo taariikhdu tahay 20.08.2020 la shaaciyey heshiiskii ay wada gaareen Madaxweeyne Farmaajo iyo madaxda maamul goboleedyada ku sugan Dhuusamareeb.

Shirka Dhuusamareeb oo ay ka maqneyd Puntland iyo Jubaland oo la furey maalintii Isniinta ayey qorsheysteen in la soo geba-gebeeyo maalinimadii Arbacada ee 19 Agoosto.

Qorshaha Villa Somalia ayaa ahaa in heshiiska la shaaciyo maalintii shalay oo la saxiixey, hase yeeshee waxaa kasoo dhexgalay qoraalkii kasoo baxay Beesha Caalamka oo sheegtay in aysan sinaba u aqbali doonin heshiis koox gaar ah gaarto.

Dhinaca kale waxaa muuqda xubnaha ku sugan Dhuusmareeb oo horey ugu soo shirey Muqdisho in qorshahoodu u diyaarsanaa oo ay yeesheen shirar Villa Somalia ka dhacay kadib Shirkii Dhuusamareeb 2 iyo riditaankii Raysalwasaare Kheyre.

Waxaa iyaduna soo shaac baxday shakigii ay Puntland iyo Jubaland ka qabeen xubnaha horey ugu soo shiray Villa Somalia inay doonayaan oo kaliya in lagu shaabadeeyo qoraal horey loo soo diyaariyey.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. Shicibka sharafta leh ee degan gudaha puntland iyo shicibka sharafta leh ee degen jubaland meey khasarin maanta, waana la ogyahay dadalkii ay ku bixiyeen ladagaalankii isticmaarka iyo halgankii xoriyada waxaase khasaray daneystayaal dani iyo madobe oo aan eegin danta guud ee qaranka umada somaliyeed lakiin eegay oo keliya tooda gaarka ah taas oo ah ineey dilalaan kheyraadka dalku leeyahay si ay jebadahooda u buxsadaan maantana waad aragtaan in beesha caalamku ugu yedheen qaswadayaal uguna sheegen inaaney waxba u qaban karin taas oo macnehedu yahay wixii shirka dhuusamareeb 3 ka soo baxa ayaa lagu dhaqaqaya, waxaa shirka dhusamareeb ka soo baxaya waa in dalka ay ka dhacdo doorosho ah hal qof iyo hal cod taasina waxeey awooda ku soo celineysaa shacabka iyo umada somaliyeed waxaana meesha ka baxaya daneysto oo dhan umada somaliyeed oo dhana caawa meel ay joohanba waxaan u rajeynayaa Guul iyo Gobonimo.