Jubbaland Oo Ka Hadashay War-murtiyeedkii Dhuusamareeb 3

Published: August 21, 2020
Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan

Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan, ayaa ka hadlay war-murtiyeedkii ay xalay shirkii Dhuusamareeb 3 kasoo sareen madaxweyne Farmaajo iyo madaxda Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur galbeed iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Wuxuu sheegay inay dowlad goboleedka Jubbaland tashi kadib go’aan ka gaari doonaan heshiiskan ay dibad jooga ka yihiin ee lagu gaaray magaalada Dhuusamareeb, xili uu waraysi siinayey idaacadda BBC SOMALI.

“ Heshiiska dhinacyada ay ku gaareen Dhuusamareeb waxaa uu igu soo gaaray si kedis ah, laakiin Jubbaland tashi ayey ka yeelan doontaa ”

Maxamuud Sayid Aaden

Jubbaland iyo Puntland ayaa diiday inay kasoo qaybgalaan wejiga seddexaad ee shirka maadaama uu madaxweyne Farmaajo horey u ciyaarey heshiisyadii Dhuusamareeb 1/2, beesha caalamka ayaana walaac ka muujisay maqnaanshaha labaas maamul.

Dowlada Puntland ayaan wali ka hadlin heshiiska laga gaaray shirka Dhuusamareeb 3.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *