Fashilka Weerarkii Al-Shabaab kusoo qaaday Puntland – VIDEO

Published: August 22, 2020

Ciidamada Difaaca Puntland iyo xoogaga Al Shabaab ee ku dhuumaaleysta dhulka buuraleyda ah ee u dhaxeeya gobalada Bari iyo Sanaag ayaa dagaalkii ugu danbeeyey ee ku dhexmaray deegaanka Habar-Hagoogle ayaa waxaa khasaaro xoogleh kasoo gaaray dhinaca Al-Shabaab oo qorsheenaysay inay weerar la beegsato mid kamid ah Saldhigyada ciidamada Puntland.

Khasaarahan ayaa noqonaya kii ugu weynaa ee soo gaaray kooxda Al-Shabaabta buuraha ku sugan in muddo ah, kooxdaasi ayaa iyagu inta badan la hormari jireen weeraro gaadmo ah kadibna dib ugu baxsan jiray dhulka buuraha ah oo ay adag tahay in ciidamadu hawlgalo ka sameeyaan.

Maleeshiyaadka Al-Shabaab oo gaaraya 10 ayaa ku dhintay dagaalkii ka dhacay deegaanka koonfurta uga beegan Galgala, waxaana nolol lagu qabtay qaar kamid ah dagaalyahandii Al Shabaab iyo dhaawacooda.

Waxaa xusid muddan in xubnaha laga qabtay Al Shabaab inay ku jiraan dhalinyaro da’a yar ah oo laga keenay Koonfurta Soomaaliya, kuwaasi oo mudo lagu tababarayey buuraha ay ku sugan yihiin, ciidamada Puntland ayaa sheegay inay sii wadi doonaan hawlgaladan ka socda dhulka buuraleyda ah.

https://www.facebook.com/horseedmedia/posts/10158429580158486

Sida ay sheegteen xubnaha Al Shabaab ee la qabtay waxay ahaayeen 50 kuwaasi oo kusoo socday dhinaca bari iyagoo damacsanaa inay weerar la beegsadaan ciidamada, balse la kulmeen ciidamada oo xogtooda hayey isla markaana uu qabsaday dagaal xoogleh.

Weerarkan Al Shabaab ay damacsaneyd inay ka fuliso gobalka Bari ayaa qeyb ka ahaa sida la rumeysan yahay weerarada ay kooxdaasi dar-dargelisay oo ka dhacay dalka Soomaaliya, waxayna maalmihii lasoo dhaafay weeraro ka geysteen Muqdisho, Galgaduud, Hiiraan, Jowhar, Gedo, Bay iyo Bakool.

https://www.facebook.com/Puntlandstatetv/posts/3314292331984856

Hanad Askar
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *