Hogaamiyihii Mucaaridka Ruushka ee la sumeeyey oo loo qaaday Germany – Sawiro

Published: August 22, 2020

Alexei Navalny oo ahaa mucaaridka Madaxweynaha Ruushka Putin ayaa la rumeysan yahay in la sumeeyey Khamiistii lasoo dhaafay xili uu saarnaa diyaarad uu kasoo raacay Siberia oo kusii jeeday caasimada Ruushka ee Moscow.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa lagu hayey isbitaal Ruushka ku yaal, qoyskiisa ayaa codsaday in dibada loo qaado iyagoo ka cabsi qaba in Dowlada Putin ka takhalusto ninkan oo hada yaalay qeybta ICU ee isbitaalka magaalada Omsk.

Jimcihii shalay ayey hogaamiyayaasha dalalka France iyo Germany sheegeen inay diyaar u yihiin inay caawiyaan siyaasigan, Midowga Yurub ayaa sidoo kale ugu baaqay dowlada Ruushka inay ogolaato in ninkan dibada loo qaado.

Isla shalay ayey dalka Ruushka gaartay diyaarad ka timid dalka Germany iyo dakhaatiir la socotay, balse maamulka Isbitaalka uu yaalay ninkaasi ayaa diiday in la qaado, iyagoo ku dooday in xaaladiisa ay culustahay oo aan safar la gelin karin.

Qoyska Alexei Navalny ayaa sheegay in Madaxtooyada Putin arrintan ka danbeyso si aan loo ogaan sunta loo isticmaalay hogaamiyahan.

Madaxtooyada Mascow ayaa iska fogeysay eedeynta qoyska ninkan waxaana saaka oo Sabti ah loo ogolaaday in loo qaado magaalada Berlin ee dalka Germany.

Alexei Navalny ayaa ah nin si weyn ulla dagaalama musuq maasuqa dowlada Ruushka iyo dadka awooda kuleh dalkaasi ee xiriirka laleh Madaxweyne Putin, wuxuuna isku dayey inuu sanadkii 2018 xilka Madaxweynaha u tartamo walow dowlada ka hor-istaagtay inuu tartankaasi ka qeyb qaato.

Muddooyinkii danbe ayuu xooga saarayey inuu gacan siiyo murashaxiinta mucaaridka ee ka tartameysa Maamul Gobaleedyada dalkaasi si meesha looga saaro murashaxiinta uu wato Putin.

Horey ayaa sidan oo kale xubno isugu jira siyasiyiin mucaarid ah, suxufiyiin iyo saraakiil sirdoon loogu dilay qaab khaarajin ah oo loo isticmaalay sun, kuwaasi oo qaarkood lagu dilay goobo ka baxsan dalka Ruushka.

Hanad Askar
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *