Puntland iyo Jubbaland oo Warsaxafadeed Wadajir Ah Ka Soo Saaray Dhuusamareeb 3

Published: August 22, 2020

Maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa war-saxafadeed wadajir ah ka soo saaray heshiiskii ay wada gaareen Madaxweeyne Farmaajo iyo qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada ee ka qaybgalay shirkii Dhuusamareeb 3.

Warsaxafadeedka waxaa lagu sheegay in madaxweynayaasha Puntland Siciid Cabdullaahi deni iyo Jubbaland Axmed Maxamed Islaan ay shir ku yeesheen khadka telefoonka kaasi oo ay kaga wadahadleen arrimaha doorashooyinka 2021ka iyo Shirkii Dhuusamareeb 3.

Warsaxafadeedka waxaa lagu sheegay in qalalaase siyaasadeed uu dhacay intii u dhaxaysay shirarkii dhuusamareeb 2 iyo 3, arrinkaas oo maamulada jubbaland iyo Puntland ay horey uga hadleen, talooyinka ka soo jeediyeen.

Waxa ay sheegeen in Heshiiskii lagu gaaray dhuusamareeb uu ahaa mid ku kooban madaxdii ka qaybgashay islamarkaana aysan qayb ka ahayn ,laguna matalin shirkii dhuusamareeb ka dhacay.

Haddaba, Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa waxay gaareen go’aan ka kooban afar qodob.

  1. Dowladaha Jubbland iyo Puntland waxay iyagoo ixtiraamaya aragtida ka qaybgalayaasha, cadaynayaana in qodobada qoraalkii ka soo baxay shirkii dhuusamareeb 19 August 2020 ee ku aadanaa soo jeedinta hanaanka doorashada dalka ay tahay aragti ku kooban madaxdii ka qaybgashay shirka oo ahaa madaxweynaha Jamhuuriyada federaalka iyo madaxweynayaasha Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed.
  2. Dowladaha jubbaland iyo Puntland waxay cadaynayaan inaysan qayb ka ahayn, laguna matalin shirka dhuusamareeb ka dhacay.
  3. Dowladaha Jubbaland iyo Puntland waxay markasta diyaar u yihiin dadaal kasta ee loo dhan yahay oo lagu gaari karo hirgelinta doorashada 2020/2021, ayna noqoto mid wakhtigeeda ku dhacda, si isla ogol ahna looga heshiiyo hanaanka loo marayo qabsoomida farsamo iyo maamul ee doorashada.
  4. Dowladaha Jubbland iyo Puntland waxay beesha caalamka uga mahadcelinayaan taageerada ay sida joogtada ah ula garab taagan yihiin dadaalada geedi socodka dib u dhiska hay’adaha dowladda federaalka iyo kuwo dowladaha xubnaha ka ah si loo helo xasilooni siyaasadeed, amni, dowladnimo wanaag iyo horumar dhaqaale

Akhri War-saxafadeedka.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *