Tallaabada Afaraad ee Doorashada 2020/21 – FALANQEYN + XOG

Kadib markii uu soo dhamaadey shirkii Dhuusmaareeb 3, kaas oo ay ka qaybgaleen qaar kamid ah madaxda Dowlad goboleedyada dalka iyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la is weydiinayaa waxay noqon doonto tallaabada xigta, maadaama shirkaasi ahaa mid aan loo dhameyn.

Xogta Shirkii Xalane ka dhacay

Madaxweynaha jamhuuriyadda Federaaliga ah Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynayaasha Hirshabelle iyo Koonfur galbeed ayaa maalintii shalay ee Jimacada dib ugu noqdey Muqdisho. Horseed Media ayaa xog ka heshey shir ka dhacay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho isla maalintii shalay kaas oo u dhexeeyey Madaxda Soomaalida iyo qaar kamid ah safiirada beesha caalamka oo uu hoggaaminaayo Safiirka Maraykanka Donald Yamomoto, ugu horreyn safiirada Beesha Caalamka ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan wixii ka soo baxay Dhuusamareeb, laakiin loo baahan yahay wixii sixid u baahana la saxo wixii ka dhimana lagu darro, waxaase ay sheegeen in ay ka wel-welsan yihiin sababta ay u saxiixeen maadaama qorshuhu ahaa wax loo dhan yahay oo cid gaar ah aysan cid kale ku khasbi karin qorshahooda, taas waxaa ka garaabey ayaa la yiri Madaxweyne Farmaajo, waxaana uu sheegay in uu diyaar u yahay walaalaha ka maqnaa shirka aragtidooda in lagu darro.

Sidoo kale Safiirada beesha Caalamka ayaa sheegay in ay dareen weyn ka qabaan in heshiiska doorashada dib loogu celiyo Baarlamaanka, waxaana ay si toos ah ugu sheegeen in arintaani tahay wax uu wax ka qaban karo Madaxweyne Farmaajo oo la doonaayo in aanu caqabad hor dhigin tallaabada horey loo qaadey. Ugu danbeyn waxaa la isku raacey in ay muhim tahay kulan afaraad oo loo dhan yahay laguna qabyo-tiro heshiiska si doorasho loo dhan yahay ay u dhacdo.

Puntland iyo Jubaland

Puntland iyo Jubaland waxay sheegeen in ay soo dhaweynayaan aragtida ka qaybgalayaasha shirkii Dhuusamareeb 3, laakiin aan iyaga lagu metelin, sidoo kale ay diyaar u yihiin dedaal kasta oo loo dhan yahay oo lagu gaari karo doorashada 2020/21.

Xagee ka dhici karaa shirka afaraad?

Ma cadda ilaa hadda waxaase la aaminsan yahay in shirka afaraad ee lagu wada saxiixi doono heshiiska noqon doono mid degdeg lagu qabto ayna u badan tahay in uu ka dhaco Magaalada Muqdisho, kadib markii Madaxweyne Farmaajo ku dhawaaqo Raysalwasaaraha wakhti dhaw.

Qodobada u baahan in laga saxo heshiiska Dhuusmareeb 3?

Ka qaybgalayaasha shirkii Dhuusamareeb 3 waxay si weyn isugu dayeen in guud ahaan miraha ka soo baxa shirku uu noqdo mid isu soo jiidaya dhamaan dhinacyada.

In doorashadu wakhtigeeda ku dhacdo: tan waxay meesha ka saartey muddo kororsigi sida weyn loga cabsanaayey inuu wato Madaxweyne Farmaajo iyo Golaha Shacabka.

In doorashadu noqoto mid macquul ah oo ku habboon xiliga la joogo iyo mudada harsan: tan waxay meesha ka saareysaa sharcigii doorashada ee horey qaar kamid ah Dowlad goboleedyadu u diideen, kaas oo sharciyeynaayey 4.5 in dalku weligiis ku jiro.

Labadaas qodob waxay mabda’ahaan isu soo dhaweyeen dhamaan dhinacyada ay ka dhexeyso talada doorashada.

Qodobada lagu kala aragti duwan yahay

  1. Guddiga Doorashada Qaran ee Xaliima Yareey ayaa maamulaya doorashada: Qodobkan markii Madaxweyne Farmaajo sharaxaayey wuxuu yiri, Doorashadu waa heer federaal ma aha heer Dowlad goboleed, sidaas darteed waa in Federaalku maamulaan, haddaba waxaa la is weydiinayaa, waxa Madaxweynaha Dhuusmareeb geeyey?, waxa uu heshiiska siyaasadeed u galay?, waxa uu u laaley sharcigii doorashada ee uu saxiixey?, waxaa cad in arrintaani ay tahay HESHIIS SIYAASADEED, sidaas darteed guddiga doorashada qaran ee Xaliima Yareey ay hoggaamiso waxa loogu talo galay in ay qabtaan doorasho qof iyo cod ah, taas haddii ay meesha ka baxdey guddi kasta oo maamulaya doorasho ku timid heshiis siyaasadeed waxa uu noqonayaa mid loo dhan yahay, sida loo qaybsadey guddigii farsamo ee ka soo baaraandegey nooca doorasho ee dalka ku habboon.
    ____
  2. Doorasho dadban oo haddana Xisbi lagu gelaayo: Qodobkan waxaad moodaa in uu sidiisa xujo u yahay, oo ay adag tahay in la fahmo, Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Xaliima Yareey waxay horey u sheegtey in uusan jirin Xisbi soo buuxiyey shuruudaha sidaas darteed badankood loo aqoonsadey kumeel-gaar, ilaa afar Xisbi ay u dhawdahay in ay shuruudaha buuxiyaan, dadka akhriya waxa ku qarsoon sadarada hoosteeda ayaa sheegaya in ay dhici karto sababta qodobkan loo keenay ay tahay in uu noqdo waxybaaha loo reebay Puntland iyo Jubaland in ay heshiiska ka saaraan, si la isugu dhufto Madasha Xisbiyada Qaran iyo maamulada Puntland iyo Jubaland. Waxaa jirta aragti hore oo aan la dhaqangelin marka laga hadlaayo nidaamka xisbiyada iyo doorasho dadban sida la isu waafajinaayo taas oo ah, markii ay soo baxaan Xildhibaanadu, in loo qabto muddo 6 bilood ah in ay ku biiraan Xisbiyada siyaasadeed ee sida rasmiga ah shuruudaha u buuxiyey, qodobkan waxaa lagu sixi karaa arrinta Xisbiyada.
    ____
  3. Doorashada oo hal maalin dhacaysa: Qodobkan waxa uu u muuqdaa mid isagana la doonaayo in kuraasta lagu boobo, oo xildhibaano aan sax ahayn oo diyaarsan hal maalin lagu soo saaro, doorasho dadban haddii la aadey waxaa la doonaayaa in ay jiraan, nidaam lagu xaqiijin karo Xildhibaanka saxda ah ee soo baxay iyo guddiyo kala sareeya, qodobkaan waa mid farsamo oo laga heshiin karo.
    ____
  4. Qaabka lagu soo xulaayo Ergooyinka: Shirka Dhuusamareeb 3 waxa uu ku daray in ay wax ka soo xulayaan ” Indheer-garad “, haddaba waxaan la aqoon waxa lagu caddeynaayo shuruudaha INDHEER-GARAD, haddii ergooyinka beelo laga soo xulaayo, waxaa jira dad beeluhu wakiisheen iyo dhaqan soo jireen ah, sidaas darteed qodobka waxa uu shirka afaraad ka doonayaa in ay ka bixiyaan faham sax ah!

Golaha Shacabku caqabad ma noqon karaa?

Heshiiska Dhuusmareeb 3 waxaa ku jira qodob dhigaya in dib loogu celinaayo Golaha Shacabka, inkasta oo Madaxweynuhu saxiixey, hindisahan ma ahan mid ka yimid Baarlamaanka waa heshiis siyaasadeed oo Soomaali u dhex ah ee aan ahayn mid la xiriira ajnebi, waxaana la yiraahdaa heshiis siyaasadeed baarlamaanka waxba kama gelin, waxa ay lee yihiin sharci dejin, horey ayeyna u dejiyeen sharcigii doorashada kaas oo uu meesha ka saarey HESHIIS SIYAASADEED.

Meelaha caqabadda Baarlamaanka qaarkiis ka keeni karaan ayaa ah si heshiiska loo carqaladeeyo in la soo celiyo qodobkii Gobolka Banaadir ee 13 Xildhibaan ee Aqalka sare maadaama aan heshiiska lagu caddeyn.

Shir-guddoonka Golaha Shacabka

Xildhibaanada doonaayey muddo kororsiga ayaa hadda fadhiya banaan cidlo ah, waxaana u furan laba waddo mideed, in ay heshiiskan hor istaagaan, taas oo Madaxweyne Farmaajo horey u ballan qaadey in kelmadda u danbesya iyagu lee yihiin, haddii kale in ay caqabad ku noqdaan Raysalwasaaraha iyo xukuumadda lagu wado in Madaxweynuhu soo dhiso, halkaasna ay bas-raacooda u danbeeya ka sameeyaan.

Maxamed Cismaan
Horseed Media