Golaha Wasiirada Puntland oo ka shiray Doorashooyinka Federaalka

Published: August 24, 2020

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Shir-guddoomiyey kulanka uu la yeeshay Golaha Wasiirada Dowladda Puntland oo looga hadlay arrimaha Doorashooyinka Federaalka Soomaaliya.

Kulanka oo Madaxweynaha uu ku weheliyay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, waxaa sidoo kale ka qeybgalay La taliyayaal Madaxweyne.

Madaxweynaha ayaa Golaha uga warbixiyey safarkii uu ku tegay Dhuusamareeb oo uu kaga qeybgalay Shirka looga hadlayey Doorashada Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu Golaha uga warbixiyey Safarkii uu ku tegay dalka Jabuuti iyo  shaqadii wanaagsaneyd ee  laga soo qabtay Gobolka Mudug oo Madaxweynuhu Safar ku tegay, isagoo booqday degmooyin iyo deegaamo ka tirsan Gobolkaasi, siduu sheegay Afhayeenka Ahna Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Mudane Jaamac Dabaraani.

Weli wax faah faahin ah lagama bixin in Puntland ay go’aan kale ka qaadan doonto hawlaha socda ee ku aadan xal u helida kala aragti duwanaanta u dhaxeysa Puntland iyo Dowlada Federaalka, gaar ahaan Villa Somalia.

Dhinaca kale hay’addaha Dowladda Puntland ayaa la faray in Shaqadu ay sidoodii hore kusoo laabato, sida gudashada shaqada iyo saacadaha la imanayo Xafiisyada , Iyadoo lasoo saarayo Hab-raacyo kooban oo Caafimaad kuwaasi oo ku saabsan sida loola noolanayo khatarta xanuunka Covid19.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *