Soodhaweyntii Madaxweynaha Jubbaland ee Garoowe, Puntland- Video

Published: August 24, 2020

Madaxwenaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray Caasimadda Puntland ee Garoowe.

Weftiga Jubbaland waxaa garoonka diyaaradaha ee General Maxamed Abshir ee Garoowe ku so dhaweeyay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, madaxweyne ku-xigeenka Puntland,

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl iyo Labadiisa Guddoomiye ku-xigeen Mudane Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan iyo Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame, Madaxweynihii hore ee Dowladda Puntland Senator Cabdiraxmaan Faroole, Goleyaasha Dowladda Puntland, Maamulka Gobolka Nugaal, kan degmada Garoowe, Saraakiil Ciidan, Haweenka Gobolka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Madaxweynaha jubbaland ayaa inta uu ku sugan yahay Puntland uu kulan la yeelan doona Masuuliyiinta Puntland kaasi oo looga hadlayo arrimaha doorashada federaalka iyo kulan dhawaana ay isugu imaan doonaan dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada kaasi oo lagu dhamaystirayo sidii dalka doorasho uga dhici lahayd.

https://www.facebook.com/plstatehouseofficial/videos/599800640693410

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *