Villa Somalia oo ciidamo cusub geysay Jowhar

Published: August 24, 2020

Magaalada Jowhar ayey gaareen cutubyo ciidamo ay Dowlada Federaalka u dirtay caasimada maamul gobaleedka Hirshabelle.

Ciidamadan ayaa la sheegay inay ka weecdeen wadada Laamiga ah ee isku xirta Jowhar iyo Muqdisho, maadaama ay goobahaasi Al Shabaab ku sugan yihiin iyagoona maray wado qarda-jeex ah.

Macada sababta ciidamadan ay Villa Soomaaliya ugu dirtay magaalada Jowhar oo ay horey ugu sugnaayeen ciidamada AMISOM iyo kuwa maamulka Hirshabeele iyo waliba ciidamada SNA.

Waxaa soo dhaw xiligii la qaban lahaa Doorashada maamulka Hirshabelle walow la rumeysan yahay inay arrintan isku khilaafsan yihiin madaxda maamulkaasi oo hada intooda badan ku sugan magaalada Muqdisho.

Dowlada Federaalka ayaa sidan oo kale ciidamo u geysay xarumaha maamulada Galmudug iyo Koonfur-Galbeed xiligii ay dhacayeen doorashooyinka Ismaamuladaasi oo lagu doortay murashaxiintii taageerada ka helayey Villa Somalia.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *