USA: Rabshado ka dhashay toogasho booliiska u geysteen nin Madow- Video

Published: August 25, 2020

Shacabka ayaa banaanbaxyo rabshado wata uga jawaabay toogasho ay booliiska Maraykanka u geysteen nin madow ah oo aan hubeysneyn, falkan ayaa Axadii gelinkii danbe ka dhacay magaalada Kenosha ee gobalka Wisconsin.

Filim laga soo duubay toogashada oo lagu baahiyey baraha bulshada ayaa keenay inay shacabka bilaabaan banaanbaxyo looga soo horjeedo falkan, muuqaalka internetka lagu faafiyey ayaa muujinaya ninka la toogtay oo lagu magacaabo Jacob Blake oo doonaya inuu gaarigiisa galo oo ay tooganayaan labo askari oo booliis ah, xili ay goobta ku sugan yihiin xaaskiisa iyo caruurtiisa.

Booliiska ayaa la sheegay inay ka jawaabayeen xiisad ka dhex dhacday qoyska Jacob Blake, iyagoo dhaawac culus u geystay ninkan oo ay xaaladiisa culus tahay.

Shacabka careysan ayaa gubay qeyb kamid ah xarumaha dowlada ee magaalada Kenosha oo ay ku jirto xaruntii maamulka iyo Maxkamada.

Maamulka Wisconsin ayaa xalay bandow kusoo rogtay deegaankaasi rabshadaha ka dhaceen.

Xiisadan ayaa kusoo beegmaysa bilo kadib xiisadii ka dhalatay dilkii George Floyd ee ka dhacay 25kii bishii May magaalada Minneapolis, dilkaasi oo keenay banaanbaxyo balaaran oo raadkoodii weli laga dareemayo dalka Maraykanka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *