Madaxweyne Deni Oo Qado Sharaf U Sameeyey Madaxweyne Axmed Madoobe

Published: August 26, 2020

Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo Wafdigiisa kulan qado sharaf ah ugu sameeyey magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.

Kulanka waxaa ka qeybgalay madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, guddoomiyaha golaha wakiilada Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, madaxweynayaashii hore ee Puntland Senator Cabdiraxmaan Faroole iyo Cabdiweli Gaas , xildhibaano ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya iyo goleeyaasha dowladdaha Puntland iyo Jubbaland.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa horaantii todobaadkan si wadajir ah u caddeeyay in aanay qeyb ka aheyn, cidna ku matalin shirkii Dhuusamareeb3, war murtiyeedkii laga soo saarayna uu ahaa aragti ku koobnayd madaxweyne Farmaajo, madaxweynayaasha Galmudug, Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed.

Dhanka kale warar hoose oo ay heshay Horseed Media ayaa sheegaya inuu jiray codsi ka yimid madaxweyne Farmaajo oo ahaa inuu Garowe ugu yimaado madaxda Puntland iyo Jubbaland, balse ay u sheegeen in iyagu ugu tagayaan Muqdisho.

SAWIRO

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *