Magacaabidda Raysalwasaaraha oo wax walba ku xirmeen – FAALLO

Published: August 27, 2020
Magacaabidda Raysalwasaaraha
Xafiiska Raysalwasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya

Waxaa laga joogaa 33 maalmood maalintii xilka laga qaadey raysalwasaare Xassan Cali Kheyre, waa mudadii ugu dheerayd ee dalku aanu lahayn Raysalwasaare, haddaba waxaa jira faallooyin iyo falanqeyn badan oo Macaahidda kala duwan ay ka bixiyeen sababta ay ku dhacdey.

Laga soo bilaabo bishii lixaad ee sanadkan markii guddiga joogtada ah ee Golaha Aqalka Sare ku dhawaaqeen in la isugu yimaado shir wadatasho oo u dhexeeya Dowaldda Federaalka iyo Dowlad goboleedyada, si xal loogu helo doorashooyinka dalka. Xaaladda siyaasadeed ee Dowladda Federaalku waxa uu galay mid ka duwan jawigii horey loogu bartey saddexdii sano ee la soo dhaafey ee ahaa mid deggan, waxaana arrintu cirka isku shareertey markii Raysalwsaare Xassan Cali Kheyre oo sheegay saddex qodob oo kala ahaa:

  • In doorashadu xiligeedi ku dhacdo
  • In muddo kororsi uu keenaayo qalalaase siyaasadeed
  • In Doorashadu noqoto noockasta oo heshiis lagu yahay.

Madaxweyne Maxamed Farmaajo iyo kooxda aadka ugu dhaw ee uu ugu horeeyo Agaasimaha hay’adda NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, waxay dejiyeen istraatiijiyad ay u fahmeen in ay tahay mid ay ku guuleysan karaan, kadib markii xilka laga qaadey raysalwasaare Kheyre.

  • Magacaabidda Raysalwasaare kumeel-gaar ah.
  • In la kala jebiyo mucaraadka iyo isbahaysiyada Muqdisho ka dhisan oo qaarkood ay hoggaamiyaan Madaxweynayaal hore
  • In gacanta lagu dhigo saddexda Dowald goboleed ee Galmudug, Hirshabelle iyo KG, kadib Dhuusmareeb 2
  • In la helo taageerada golaha shacabka oo isku duuban
  • In meesha laga saaro awooda Aqalka sare

Hubka ugu weyn ee Villa Somalia u isticmaashey hirgelinta qorshaheeda ayaa ah MAGACAABIDDA RAYSALWASAARAHA CUSUB, waxaa waraysiyo laga qaadey dad ka badan 20 qof, waxaa cidkasta loogu sheekeeyey in Raysalwasaaruhu dhankooda ka imaanayo si la isugu dubarido xulafo siyaasadeed oo been lagu soo xerogeliyey.

Madaxweyne Farmaajo waxa uu tegey Dhuusamareeb isaga oo aan magacaabin Raysalwasaare, cidkastana ay sugeyso in uu fuliyo ballanqaadkiisi, taasi waxa uu ku heley xulafo siyaasadeed oo kumeel-gaar ah sugayana inta la magacaabayo Raysalwasaaraha.

Natiijada ka soo baxdey Dhuusamareeb ayaa noqotey, Doorasho lagu magacaabo Deegaan doorasho, laakiin saldhigeedu yahay ergooyin beelaha kuraasta iska leh ka imaanaya, oo 4.5 ku asteysan, haddana xisbiyo ah, wakhtigeedina ku dhacda, hal maalin oo keliya dalka oo dhan ka dhacda, guddigii doorashada qarankuna maamulayaan doorashooyin beelo u dhexeysa, waxay noqotey mid aan la fahmi karin oo wax la isku qasey ujeedka ugu weyn ayaa ahaa in Madaxweynuhu ku dhego guddiga doorashada ee Xaliima Yareey oo ay ahayd in ay qabtaan doorashooyin qof iyo cod ah, si uu meesha uga saaro in Dowald goboleedyadu saameyn ku yeeshaan doorashada.

Dhuusmareeb 3 oo aan lagu metelin Puntland iyo Jubaland oo door muhim ah kuleh siyaasadda dalka ayaa noqotey mid meel laga soo dhaweeyey aysan jirin. Beesha Caalamka oo ay filayeen in ay soo dhaweynayaan ayaa qodobo dhawr ah ku qabsadey Madaxweyne Farmaajo shirkii ka dhacay Garoonaka diyaaradaha markii uu ka soo noqdey Dhusmareeb.

  • Sababta uu u saxiixey natiijada shirka, maadaama ay horey uga codsadeen in natiijadu noqoto mid loo dhan yahay.
  • Baarlamaanka ayaan horgeyn iyo waa saxiixey wax is qaadan kara maaha sidii uu baarlamaanka ka yeeli lahaa in ay isaga u taallo
  • In uu degdeg u qabto shir afaraad oo loo dhan yahay.

Shirka Jubaland iyo Puntland

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan ayaa saddexdii maalmood ee u danbeysey ku sugan magaalada Garoowe, waxaana isaga iyo Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ay leeyihiin shirar gaar ah, shirarkan ayaa diirada lagu saarayaa dejinta qorshe la fahmi karo waxna looga beddalayo Dhuusmareeb 3 waxna lagu daraayo, sidoo kale waxaa lagu wadaa in siyaasiyiin kale ay gaaraan maalmahan magaalada Garoowe, kuwaas oo tallooyin la weydiin doono.

Magacaabidda Rayslawasaaraha cusub

Haddaba shirka afaraad ee lagu wado in uu ku qabsoomo Muqdisho kaas oo lagu qabyo tiraayo Dhuusamreeb 3, ayaa kaarka keliya ee u harsan Madaxweyne Farmaajo yahay sidii shirkaas ku qabsoomi lahaa isaga oo aan weli magacaabin Rasysalwasaaraha Jokerka noqdey ee cid walba sugeyso, haddii uu taas ku guulesyto waxa uu weli sii wadanayaa Xulafada kumeel-gaarka ah ee raysalwasaare wada sugaya, laakiin waxaa la is weydiin Puntland oyo Jubaland oo fahamsan ciyaarta Villa Somalia ma oggolaan doonaan shir afaraad iyada oo aan weli la magacaabin Raysalwasaare..

by Maxamed Cismaan

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *