Xukuumada Puntland Oo Ansixisay Xeerka Isgaarsiinta – VIDEO

Published: August 29, 2020

Shirka golaha wasiiradda Puntland oo uu shir gudoomiyey madaxweynaha dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta lagu ansixiyey xeerka Isgaarsiinta Puntland.

Shirka waxaa sidoo kale looga hadlay xaalada amniga, dhisidda goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Galdogob iyo Bursalaax, saamaynta Ayaxa ee Puntland, midaynta akoonada dowladda (TSA), dib u habaynta mushaharka shaqaalaha iyo dhismaha garoomada kubadda Cagta Puntland.

Waxaana warbixino goobta kasoo jeediyey wasaaraddaha warfaafinta, Amniga, arrimaha gudaha, deegaanka iyo wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa bogaadiyey shaqada ka socota wasaaraddaha Puntland, isagoona la wadaagay in shaqada halkaas laga sii wado.

Hoos ka daawo:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *