Puntland iyo Jubaland maxay Dhusamareeb 3 ku diideen oo Muqdisho ku tegayaan?

Shirkii ku qabsoomey magaalada Garoowe ee u dhexeeyey maamulada Jubaland iyo Puntland waxaa ka soo baxay in shir afaraad la isugu tegayo magaalada Muqdisho shirkaas oo ay ka qayb-galayaan labadan maamul ee horey u qaadacay shirkii Dhuusamareeb 3.

Shirka ayaa lagu macneeyey in uu noqon doono mid lagu qabyo tiraayo natiijadii Dhuusamareeb 3.

Waxaa laa filaayey in shirka Muqdisho ay ka soo wada qaybgalayaan dhamaan Dowlad goboleedyada, ayaa hadda waxaa muuqata in saddexdii Dowlad goboleed ee qaybta ka ahaa Dhuusmareeb 3 ay u muuqdaan kuwo aan ka qaybgalayn markii ay soo saareen war-saxaafadeed wada jir ah oo loo fahmey in ay u arkaan shirka Muqdisho mid u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo labdii maamul ee ka maqnaa Dhuusmareeb 3, maadaama ay iyagu horey u saxiixeen heshiiskii Dhuusamareeb 3.

Isbeddel kasta oo lagu sameeyo heshiiskaas ayaan la ogeyn inay duuduub ku qaadan doonaan.

Waxaa magaalada Muqdisho laga dareemayaa qaban-qaabada soo dhaweynta Madaxweynayaasha Dowlad goboleedyada Jubaland iyo Puntland, waxaana la is weydiinayaa waxa iska beddeley go’aamadii hore.

Marka aan dib u eegno go’aamadii labada maamul ay ku qaadaceen Dhuusmareeb 3 iyo eedaymaha ay u jeediyeen Dowladda federaalka waxaan ku soo koobi karnaa:

  1. Burburinta xukuumaddii hoggaamin lahayd doorashada
  2. Faro gelinta Dowladda Federaalku ay ku hayso gobolka Gedo
  3. Ku xadgudubka metalaada Golaha Aqalka Sare
  4. Isku gaar yeelidda Guddigii Farsamada ee lagu heshiiyey Dhuusamareeb 2.

Haddaba si ay shir kale uga qayb-galaan waxay xujeeyeen:

In Madaxweynuhu magacaabo Raysalwasaarihii qayb ka noqon lahaa fulinta heshiisyada iyo qabsoomidda doorashooyinka 2020/21.

Qabsoomidda shirka waxaa ka horeysa in la helo hubinta in lagu gaarayo heshiis saldhig leh, (kadib khudbaddii Farmaajo ee Golaha Shacabka) sidaas darteed in shirka ay ka qaybgalaan diblomaasiyiinta beesha caalamka.

Dhuusamareeb 3 kadib

Labada maamul ayaa war-saxaafdeed wadajir ah oo ay soo saareeb kadib natiijadii shirkii Dhuusamreeb 3 waxay muujiyeen dabac iyo in ay salaankii dheeraa ka soo degeen, maadama ay meesha ka baxday qorshihii uu watey Madaxweyne Farmaajo ee qof iyo cod ee ay ku qarsooneyd muddo kordhin, sidoo kale waxaana jirey culeys diblomaasiyadeed oo labada maamul la saarey.

Shirka Muqdisho qabyo-tir ?

Shirka Muqdisho macada in lagu gaari doono heshiis dhameystiran hadii la isku afgaran waayo in qodobadii Dhuusamareeb 3 la faro geliyo, inkasta oo qodobada la faro-gelinaayo maamulada kale dheef mooyee aysan wax dhibaato ah ugu jirin waxaana kamid ah.

  • Guddiga doorashada in si wada jir ah loo magacaabo
  • Xisbiyada oo meesha laga saaro maadaama aysanba jirin Xisbiyo rasmi ah
  • Tirada Ergooyinka wax dooranaya

Saddexdan qodob ayaa ugu muhimsan in wax laga beddelo natiijadii heshiiskii Dhuusamareeb 3.

Waxaa muuqata in maamulada Puntland iyo Jubaland ay meel iska dhigeen in ay cid kale u doodaan, sida magacaabidda raysalwasaaraha oo saami-qaybsiga dadkii iskalahaa loo daayo. Madasha Xisbiyada iyo mucaaradka ayaa Dhuusamareeb 3 si duuduub ah u soo dhaweeyey, sidoo kale waxaysan sooba hadal-qaadin magacaabidda Raysalwasaaraha, taas oo Puntland iyo Jubaland ku xambaartey cidkasta ha fulise in aan xujo danbe laga dhigun magacaabidda raysalwasaaraha.

Haddaba dadka ka faallooda arrimahan ay sheegayaan in laba arrimood midkeed ay Muqdisho geyneyso Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland.

  • Wixii ka soo baxay Dhusamareeb 3 in ay ahayd waxay Dowaldda Federaalku soo diyaarsatey, maamuladan kalena aysan waxba ku darsan cidda ay wax ka beddelkooda iyo wax ku darkooda kala gor-gortamayaan ay tahay cidda markii horeba soo diyaarsatey.
  • In la tago Muqdisho ayaa dhinaca kale meesha ka saareysa doodii Madaxweyne Farmaajo ee ahayd inuu mar walba Muqdisho wadatashi dib ugu noqodo, taasi oo loo arkay mid uu Madaxweynaha wakhtiga ku dilayo.

Mid ay tahayba, Puntland iyo Jubaland waxaa looga fadhiyaa in dadkooda u caddeeyaan waxa beddeley in ay Dhuusamareeb 3 diidaan oo Muqdisho 1 yeelaan.

Maxamed Cismaan
Horseed Media

Leave A Reply

Reader Interactions

Comments

  1. Aqoonyahan Abdisahal Ali Mohamed says

    Aniga waxaan Qabaa inan wixii lagu heshiiyey shirkii dhuusamareeb.3
    Waxba laga bedelin waana ku khasban yihiin 2 nin ee awal horay u diidey in ay saxiixan maxaa yeelay waa looga cod badan yahay.

  2. f.xareeed says

    anigu waxaan qabaa in labadan maamul xaalka wax ka bedeli karaan hadeey turubka si fiican oo cadafadi ka fog tahay isaga bandheyaan, tusaale inkastoo dh3 la sexeexay hadana waxaa jira xeer hosaadyo ka dhigi kara (Void), tusaale, bishii febuary/2019 waxaa jira xeer u ansixiyey golaha shicibku oo ahaa hal qof iyo hal cod. xeerkaas maamul goboladu weey ansixiyeen lagamana dul talabsan karo, ta labaad dalku wuxuu u baahan yahay in uu kheyraadkisa la soo baxo si shaqa abuur loo sameyo, wey adkaneysa in aad hesho shirkado shisheeye oo ku maal gashada marka aanad lahayn hab doorosha oo miisaman. 3 maamul godomiye ee diidan doorasho ku saleysan hal qof iyo hal cod mid ka mida oo magaala madaxdiisa socdaal dhulka ah ku tegi karaa ma u jiro, mid ka mida oo ciidan u gaara heysta ama ciidan musharo siin karaana ma jiro sidaa daradeed waxaan anigu qabaa inaaney keligood go’eyn karin masiirka iyo aayaha umada somaliyeed.

  3. Ahmed says

    Haddii su’aashada ugu danbeysa la fiiriyo ama si fudud looga jawaabo.
    Waa cadaadis uga yimid Beesha Caalamka waxa ay dhahaan oo runtii si dhaba u xukunta Somalia.

    Wixii kale bal akhristow wax dheh…

  4. f.xareed says

    umada somaliyeed weey ka dashay isqabqabsi iyo midi midi ku taag xaalkuna waa teegsiga horumar iyo horosocod, siiya waxa barlamaanku rabo, u ogolow tiigsiga villa somalia, naaxi xusbiyada inta shacabku raali ka yahay, wadada u xaadh oo roog gududan ku soo dhaweeye gududa doorashooyinka madax banaan iyo ciidanka federalka ah ee sugaya amaanka goobaha doorashada, ha faragelina doorashada degaanka ee u daaya dadku ineey doortan cida ay rabaan si xor iyo xalaala ah idinkuna hela ugu badnaan 4 sano oo kale si dadka loo diwaan geliyo, si loo diyaariyo goobaha iyo degaanada lagu qaban doono doorashada, ka qeyb qaata in ururada argigixisada ah dalka laga cidhibtiro, dowlada federalka ah faraha ugu qaada ineey fuluso waxaa u dustuurku u ogal yahay sida, ineey sugaan amaanka hawada, bada iyo xuduuda dalka, jaangoynta dhaqaale iyo lacagta, cashuur ururin heer federal iyo socdaalka iyo jinsiyadaha, joojiya inaad u kala oradaan kenya iyo imaaradka amina in dalka somali leedahay, joojiya wixii lid ku ah qaranimada iyo madaxbananida dalka, beri aan yaraa ayaan ka maqli jirey nimanka turubka salaxa oo halhays ay u ahayd markeey rabaan inaad ciyaartid ” Fuloow Guul ku dhaweydaa”, fahma waxaa dalka iyo umada somaliyeed maanta iyo beritaba dantu ugu jirto. guuleysta dhamantiin, guul iyo gobonimo.