Xeer Ilaaliyaha Guud ee Soomaaliya Oo Soo Saaray Digniino Culus

Published: August 31, 2020
Xeer Ilaaliyaha Qaranka, Sulayman Maxamed Maxamed

Xeer-ilaaliyaha Guud  ee Qaranka Sulaymaan Maxamed Maxamuud oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay baaris lagu sameeyay  kiisas musuq maasuq ah oo markii hore ka bilowday Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, kadibna lugaha la galay Wasaraado iyo hay’ado kale oo Dowladeed, Ganacsato, shirkado si gaar ah loo leeyahay, taaso dhawaan xukuno kala duwan ay ku ridday Maxakmadda Gobalka Banaadir.

Xeer-Ilaaliyaha Guud ayaa sheegay in inta baaritaanku socday sheegay in fatashaad lagu sameeyay Xarumo Dowladeed oo kala duwan oo ay ku jiraan Wasaaradda Caafimaadka, Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Wasaaradda Warfaafinta, Xafiiska Xisaabiyaha Guud, hay’ado gaar loo leeyahay, shirkaddo dhismo, Xarumo ganacsi sida Hoteelo, makhaayado cuno, Supper Marketyo, xarumo daabacaad iyo meelkasta oo laga heli karay xogta uu daba socday Xafiiska Xeer- Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, si looga gun gaaro ujeeddooyinka iyo natiijada barista.

Xeer ilaaliyaha Guud ee Qarnka Dr Salmayn ayaa intaas kadib Digniin u diray Wasiirada Dowladda, Agaasimyaasha guud ee Wasaaraddaha, Agaasimayaasha maamulka iyo Maaliyadda, Bangiyada ganacsiga, Xawaaladaha iyo hay’adaha kale ee maaliyadeed ee ka diiwaan gashan Bangiga Dhaxe ee Soomaaliya, kuwaaso uu sheegay in qaadan doonan dayacaad kasta oo ku timaada xafiisyada ay mas’uulka ka yihiin si waafaqsan xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed Iyo Xeerka Maaliyadda Dalka.

“ Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka wuxuu uga digayaa Agaasinka maamulka iyo maaliyadda iyo xisaabiyayaasha hay’adaha Dawladda ku daneesi Xafiis Dowladeed, raadin faa’iidooyin khaldan iyo in la garab maro xeerarka iyo habraacyada maaliyadeed ee Dawladda Soomaaliya, waa in masuul kasta oo Dawladeed uu ka fogaada in uu saxiixo wax uusan hubin ama uusan ogayn in uu sax yahay, haddii Wasiir, Wasiiru dawle, Wasiir ku-xigeen iyo agaasime Guud ama qof kale oo ka sareeya uu ku siiyo amar khilaafsan habraacyada maaliyeed waa in uu ka dalbadaa masuulkaas qoraal rasmi ah oo uu ku saxiixanyahay, si uu masuuliyadda u qaato masuulkaas, waana in uu ku wargaliyaa Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud si waafaqsan qodobka 18 ee Xeerka Habka Ciqaabta Soomaaliyeed khaladkaas”

Xeer-ilaaliye Sulaymaan

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *