Axmed Madoobe Iyo Safiirka Maraykanka Oo Ku Kulmay Muqdisho

Published: September 1, 2020

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo gaaray magaalada Muqdisho ayaa la kulmay safiirka dowlada Maraykanka u fadhiya Soomaaliya danjire Donald Yamamoto.

Kulankan oo madaxweynaha uu ku wehelinayay gudoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Muxumad Maxamuud ayaa diirada lagu saaray arimaha doorashooyinka 2020/2021 iyadoo la isku raacay in laga wada shaqeeyo sidii doorasho heshiis lagu yahay ay uga dhici lahayd dalka.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa dowlada Maraykanka uga mahad celiyay taageerada ay ciidamada Jubaland ka siiso dagaalka ka dhanka ah kooxaha Argagixisada.

Madaxweynaha Jubbaland oo maanta gaaray magaalada Muqdisho ayaa isaga iyo madaxweynaha Puntland Saciid Deni waxay kulan looga hadlayo doorashada dalka la qaadan doonaan madaxweyne Farmaajo

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *