Deni Iyo Axmed Madoobe Oo La Kulmay Wakiilada Beesha Caalamka

Published: September 1, 2020

Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo uu wehelinayo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa kula kulmay Muqdisho wakiilada beesha caalamka u jooga Soomaaliya gaar ahaan Safiirada dalalka Maraykanka, UK, Sweden, Talyaaniga iyo Midowga Yurub.

Kulankan madaxweynayaasha iyo beesha caalamka ayaa diirada lagu saaray sidii Soomaaliya ay uga dhici lahayd doorasho la isla ogolyahay oo xiligeeda ku dhacda.

Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland oo dibad ka joog ka ahaa shirkii Dhuusamareeb 3 ayaa si weyn uga soo horjeestay heshiiskii halkaas lagu gaaray, arrintaas oo welwel ku abuurtay beesha caalamka iyo madaxda dowlada federaalka.

Axmed Madoobe iyo Saciid deni oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa la kulmi doona madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed cabdullaahi Farmaajo si xal looga gaaro arrimo badan oo ay tabanayaan madaxda labada dowlad goboleed ee Puntland iyo Jubbaland.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *