Guddiga KMG Doorashooyinka Oo La Kulmay Ururada Siyaasadda Puntland – SAWIRO

Published: September 1, 2020

Guddiga kumeel gaarka doorashooyinka Puntland ayaa maanta kulan la qaatay hogaanka iyo hal-wadeenada ururada siyaasadda Puntland.

Kulanka oo uu shir gudoominayey guddoomiye kuxigeenka guddiga KMG doorashooyinka ahna ku-simaha guddoomiyaha, Jaamac Xirsi ayaa looga hadlay sidii ururada siyaasadda looga taageeri lahaa wacyi galinta taageerayaasha, aqoonta doorashada, ololaha iyo ilaalinta xeerka Ururada.

Ururada Siyaasadda Puntland ayaa sidoo kale loo sheegay inay adeegsan karaan Warbaahinta dowlada gaar ahaan Puntland Tv si ugu baahiyaan wararka iyaga ku saabsan, arrinta ayey aad usoo dhoweeyeen ururadu.

Guddiga hoose ee wacyigalinta ee Guddiga doorasooyinka oo shalay kulan la qaatay agaasimaha guud ee TV-ga Dowlada Puntland, waxay kala hadleen sidii ay ururada siyaasadu barnaamij ku aadan dhinaca wacyigalinta ugu yeelan lahaayeen TV-ga Dowlada Puntland.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *