Hong-Kong: Ololaha Baaritaanka baaxadaleh ee Covid19 & Shakiga Shacabka

Published: September 1, 2020

Maamulka magaalada Hong Kong ayaa maanta oo Salaasa ah bilaabaya olole baaxadleh oo ay doonayaan inay ku baaraan malaayiin qof ee ku nool magaaladaasi si looga hortago in cudurka Coronavirus markii 3aad ku faafo dhulkaasi.

Qorshaha ayaa ah in shacabka intiisa badan la baaro si loo xakameeyo faafida cudurka, hase yeeshee baaritaankan lacag la’aanta ah ayey shacabka Hong Kong si weyn uga shaki qabaan.

In ka badan 100 xarun oo dadka lagu baaro ayaa la diyaariyey, iyadoo qorshaha yahay in maalin walba la baaro boqolaal kun oo qof. Dowlada ayaa dooneysa in la baaro ugu yaraan 5 milyan oo qof, Hong Kong ayey ku nool yihiin 7 milyan oo qof.

Qaar badan oo kamid ah shacabka ayaa diidan inay ka qeyb qaataan ololahan iyagoo ka shaki qaba Dhakhaatiirta ka qeyb qaadaneysa oo qaarkood ka yimid dhulweynaha China.

Shacabka Hong Kong oo si weyn uga soo horjeeda maamulka China ayaa aaminsan in Shiinaha uu doonayo inuu baaritaankan u isticmaalo arurinta Hide-Sidaha (DNA) shacabka Hong Kong si uu u xakameeyo mustaqbalka dhaq dhaqaaqooda.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *