Lebanon: Raysalwasaaraha cusub oo helay taageerada xisbiyada Sunnida

Published: September 1, 2020

Xisbiyada Siyaasada dalka Lubnaan gaar ahaan kuwooda Sunnida ah ayaa taageero siiyey Mustafa Adib oo noqonaya Raysalwasaaraha cusub oo horey usoo ahaan jiray Safiirka dalkaasi u fadhiya dalka Germany.

Mustafa Adib ayaa kamid ahaa xubnaha ku dhaw dhaw Raysalwasaarihii xilka iska casilay Najib Makati oo ay xukuumadiisa dhacday kadib xiisadii ka dhalatay qaraxii weynaa ee 4tii bishii Agoosto ka dhacay dekada magaalada caasimada ah ee Beyruut.

Xisbiga Dhaq dhaqaaqa Mustaqbalka (Future Movement) loo yaqaan oo uu hogaamiyo Raysalwasaarihii hore Saad Hariri ayaa kamid ah xisbiyada taageeray Raysalwasaaraha la magacaabay.

Heshiis ama is-afgaradka Awood-qeybsiga dalka Lubnaan ayaa ku dhisay 3.5 oo ah Sunnida, Shiicada iyo Kirishtaanka oo qeybsada kuraasta Madaxweynaha (Kirishtaan), Raysalwaasraha (Sunnida) iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka (Shiicada).

Raysalwasaare Adib ayaa sheegay inuu si deg deg ah usoo dhisi doono Xukuumad tayo leh isagoo shacabka ka codsaday inay la shaqeeyaan.

Xukuumada Lubnaan ayey shacabka ku eedeeyeen musuq maasuq iyo sicir-bararka ka jira dalkaasi oo horey dhaqaale burbur ku keenay ganacsiga dalkaasi.

Hanad Askar
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *