Madaxweynayaasha Puntland & Jubbaland Oo Lagu Soo Dhoweeyey Muqdisho

Published: September 1, 2020

Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta lagu soo dhoweeyey magaalada Muqdisho.

Madaxdan iyo wufuuda ay hogaaminayaan ayaa waxaa kusoo dhoweeyey garoonka diyaaradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho masuuliyiin ay kamid yihiin wasiiro, xildhibaano iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish.

Ujeedka safarka labada madaxweyne ayaa waxa uu yahay sidii shir ula yeelan lahaayeen madaxweynaha dowlada federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweyne Deni ayey u tahay safarkii ugu horeeyey ee uu ku yimaado magaalada Muqdisho tan iyo markii 2019 loo doortay madaxweynaha Puntland.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. war nimanyahow u fakira sida statemen, sideey ahaan jirtey iyo wixii horana kor uga kaca u daneeya dalka iyo dalka, waxaan anigu qabaa inaad xaalka wax badan ka bedeli kartaan hadii aad ku adkeystaan inaad rabtaan hal qof iyo hal cod in loo dareero, u arka golaha shacabka, gudida madaxbanaan, maamul gobolada kale , gobolka banadir iyo villa somalia your true partners, gudida madaxbanaan siiya wakhyiga ay u baahan yihiin, soo dhaweeya in dadka la diwaan gasho, ka qeyb qaata la dirirka argigixisada goobtii laga kiciyaba dadka diwaan geliya kuna fidiya sanduuqyada iyadoo loo sameynayo amaan joogta oo meel kale u kicin, wixii doorasho ah ee soo socda halagu jaangooyo wakhtiga gudida madaxbanaan codsadaan in la siiyo hadeey tahay mid heer maamul gobol ah iyo hadeey tahay mid heer federal ah intaana u ogaalada in xusbiyadu gobolada dalka oo dhan ka ololeyaan si ay shacabka isku bartaan, u arka dowlada federalku ineey tahay albaabkii dalka laga soo galeyey wixii aad xaq ugu leedihiina si hufan oo wanaag iyo ixtiraam ku jiro uga qaata, waxeey iyaduna xaq idinku leedahay, ha hor istagana ee u ogalaada tusaale deeq bixiyaashu waxeey rabaan isla xisaabtan daah furan sidaa daradeed waa in agaasinka wasaaradaha iyo heyadaha dalku yeeshaan hal system oo keliya, wax soo saarka badiya si looga marmo deeq bixiyaasha, u ogalaada in dawlada federalka ihi gudato wixii dustuurku u ogal yahay sida suguda amaanka hawada, bada, xuduudaha, jaangoynta dhaqalaha iyo lacagta dalka, socdaalka iyo jinsiyadaha ogaada marka dawlada federalka xoogeysato ayaa idinka, umada somaliyeedba iyo dalkuba xoogeysan donaa, insha alaah.