Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug Iyo Safiirka UK

Published: September 1, 2020

Madaxweyne kuxigeenka dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug Ali Dahir Eid oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa maanta la kulmay Safirka UK ee Soomaaliya Ambasador Ben Fender.

Labada masuul oo markii ugu horeysay kulmay ayaa ka wada hadlay xaalada Galmudug gaar ahaan sare u qaadida mashaariicda hormarineed ee dowlada UK ka wadaan dowlada goboleedka Galmudug.

Ben Fender ayaa ku amaanay masuuliyiinta hadda jooga ee Galmudug shaqada ay qabteen mudadii koobnayd ee ay xilka joogeen.

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug ayaa maalmihii ugu dambeeyey ku sugnaa magaalada Muqdisho, isagoona kulamo kala duwan la yeeshay madax ay kamid yihiin madaxa AMISOM Francisco Madera iyo Safiirka Qatar ee Soomaaliya Hasan Bin Xamsa.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *