USA: Joe Biden oo Trump ku eedeeyey xiisada iyo rabshadaha kasocda Maraykanka

Published: September 1, 2020

Murashaxa Madaxweyne ee xisbiga Dimuquraadiga Maraykanka Joe Biden ayaa khudbad uu soo jeediyey ku eedeeyey Donald Trump inuu dab kusii shidayo xiisadaha ka taagan gudaha dalka Maraykanka, sida banaanbaxyada looga soo horjeedo gabood-falada Booliiska dalkaasi.

Joe Biden oo khudbadiisan kasoo jeediyey magaalada Pittsburgh ee gobalka Pennsylvania ayaa hadalkan kusoo beegay maalin kahor xili lagu wado inuu Trump booqasho ku tago magaalada Kenosha ee gobalka Wisconsin oo ay habeenadii lasoo dhaafay ka socdeen banaanbaxyo rabshado wata.

Maamulka gobalka Wisconsin iyo magaalada Kenosha ayaa ka codsaday Donald Trump inuusan xiligan deegaankaasi soo booqan iyagoo ka cabsi qaba in imaanshaha Trump ay sare usii qaado xiisada deegaankaasi ka taagan kadib markii ay booliiska magaalada Kenosha ay toogteen nin madow oo aan hubeysneyn.

Toogashada Booliiska Kenosha ayaa waxaa ku xigtay in nin cadaan ah oo hubeysan uu isla magaaladaasi toogasho ku dilay 2 qof oo kamid ah banaanbaxyaasha, 17 sano jirka dilka geystay ayaa kamid ahaa taageerayaasha Trump ee hubeysan oo sheegay inay gacanta siinayeen booliiska Kenosha.

Donald Trump ayaa dhankiisa ku eedeeyey Murashaxa Dimuquraadiga Joe Biden inuu doonayo in rabshadaha ay wadaan kooxaha garabka bidix khal-khal lagu geliyo amniga dalka, xili la isu diyaarinayo doorashada guud ee la qorsheeyey inay dhacdo bisha November.

Khalid Yusuf
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *