Ciidamada Jubaland iyo Amisom oo hawlgalo ka wada nawaaxiga Afmadow – Sawiro

Published: September 2, 2020

Ciidamada Daraawiishta Jubaland ee fadhigooda yahay magaalada Afmadow oo gacan ka helaya kuwa AMISOM ayaa hawlgalo ka sameeyey deegaankaasi xili ay socoto olole cusub oo ay dowlada Jubaland ku adkeenayso amniga.

Ciidamadan ka baxay  magaalada Afmadow ayaa gaaray deegaanka Janaay-Cabdala oo u dhaxeysa Afmadow iyo Kismaayo. Wadada labada magaalo iskuxirta ayaa waxaa qeybo kamid ah ku sugnaa xogaga Al Shabaab.

Maamulka Jubaland oo bilihii lasoo dhaafay tababaro u waday ciidamada Darawiishta ayaa xiligan qorsheenaya in la isku furo wadada isku xirta magaalooyinka Kismaayo iyo Afmadow.

Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa shalay mar uu tababar u soo xirayey cutubyo ka tirsan Darawiishta Jubaland, sheegay in sidoo kale ay qorsheenayaan in ciidamadooda hawlgalo ka bilaabaan wadada isku xirta Kismaayo iyo Jilib.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *