India oo hal askari looga dilay xaduuda China

Published: September 2, 2020

Ugu yaraan hal askari oo ka tirsan komandooska India ayaa lagu dilay shaqaaqo markale ka dhex dhacday ciidamada India iyo China ee ku sugan xaduuda ay isku heystaan labadaasi wadan.

Xuduuda marta dhulka Buuraleyda ah ee Himalaya ee u dhaxeysa labada dal ayey muddo dheer ka taagneyd xiisad ku aadan lahaanshaha dhulkaasi oo ay ku murransan yihiin Hindida iyo Shiinaha.

Laba bil kahor ayey ahayd markii India 20 askari looga dilay xaduudaasi kadib markii ay isku dhaceen labada ciidan oo xiligaa ku dagaalamayey dhagaxaan iyo gacan.

48dii saac ee lasoo dhaafay ayey markale xiisadi ka dhex bilaabatay labada dhinac, India ayaa ku eedaysay China inay dhaq dhaqaaq cusub ka bilowday xaduuda, labada dal ayaa kumanaan kun oo ciidamo ah ku daabulayey dhulkaasi bilihii lasoo dhaafay.

Labadan dal oo ah kuwa ugu dadka badan caalamka ayaa horey ugu dagaalamay dhulkaasi sanadkii 1962, waxaana laga cabsi qabaa in markale uu dagaal dhexmaro wadamadaasi jaarka ah ee haysta hubka nukliyeerka.

Abdirisak Shino
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *