Madaxweyne Deni Oo La Kulmay Xasan Shiikh Maxamuud

Published: September 2, 2020

Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa kula kulmay magaalada Muqdisho madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna guddoomiyaha xisbiga UDP kana mid ah hogaanka madasha xisbiyada Qaran Xasan Shiikh Maxamuud.

Kulanka waxaa kasoo qeybgalay madaxda xisbiyada Qaran, madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan, hogaamiyha xisbiga wadajir Cabdiraxman Cabdishakuu iyo wafdiga madaxweynaha oo ka koobnaa Wasiiro, Xildhibaano iyo masuuliyiin kale.

Madaxweyne Deni iyo dhigiisa Jubbaland Axmed Madoobe ayaa kulamo wadatashi ah la yeelanaya madaxda xisbiyada mucaaradka iyo madaxweynayaashii hore ee dalka kahor inta aysan ka qaybgalin shirka iyaga iyo madaxweyne Farmaajo oo caawa furmaya.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *