Shirka Caawa ee Farmaajo, Deni iyo Madoobe

Published: September 2, 2020

Madaxtooyada Somaliya ee Villa Somaliya ayaa shaacisay in caawa uu si rasmi ah u furmaya shirweynaha arrimaha doorashooyinka federaalka ee u dhexeeyay madaxweynaha Federaalka iyo Madaxda maamul goboleedyada Jubbaland iyo Puntland.

Agaasimaha Villa Somalia u qaabilsan warbaahinta Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa qoraal uu soo dhigay facebooga wuxuu ku sheegay in madaxweynuhu uu furi doono shirweynahaas

“Madaxweyne JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa caawa si rasmi ah u furaya wadahadallada arrimaha doorashooyinka ee u dhaxeeya DFS iyo Dowlad Goboleedyada Puntland & Jubaland”

Wuxuu sheegay in madaxweynaha iyo madaxda labada maamul ay xalay Villa Soomaaliya ku yeesheen casho sharaf iyo soo dhaweyn ah oo horudhac u ah kan caawa loo ballansan yahay.

Waxaan rajaynaynaa in ay kasoo baxdo natiijo wanaagsan oo ay saldhig u tahay in ay dalka ka qabsoonto doorasho waqtigeeda ku dhacdo Insha Allaah” Sidaas waxaa yiri Cabdinuur

Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa shalay soo gaaray Magaaladda Muqdisho, halkaasi oo si diiran loogu soo dhaweeyay. Labada madaxweyne ayaa kula kulmay Muqdisho wakiilada beesha caalamka u jooga Soomaaliya gaar ahaan Safiirada dalalka Maraykanka, UK, Sweden, Talyaaniga iyo Midowga Yurub.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *