Caqabadaha Hortaagan Shirka Muqdisho ee Doorashooyinka 2020/21

Published: September 3, 2020
Farmaajo Deni Axmed Madoobe

Waxaa lagu wadey habeenkii xalay ee Arbacada in ay shir isugu yimaadaan Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynayaasha Jubland iyo Puntland, Axmed Maxamed Islan iyo Siciid Cabdullaahi Deni, kulankaas ayaa baaqdey sababo aan si toos ah loo shaacin.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ayaa saddex habeen ku sugan magaalada Muqdisho, waxaana ay kulamo gooni ah la yeesheen saamileyda arrimaha siyaasadda ee Soomaaliya, ergooyinka beesha caalamka, waxaana la wadaa qaabkii uu ku furman lahaa shirka Muqdisho.

Haddaba shirka Muqdisho waxaa hor taagan caqabado dhawr ah oo u baahan in laga gudbo marka hore, ama is afgarad laga gaaro waxaana kamid ah:

  1. Jubaland waxay xujeysey in Dowladda federaalku soo afjarto farogelinta ay ku hayso Gobolka Gedo, maamulada ay magacowdey ka soo saarto iyo ciidamada ay diyaaradaha ku daabuleen.
  2. Puntland iyo Jubaland waxay sheegeen maadaama shirkii Dhuusamareeb 3 isaga oo aan loo dhameyn laga soo saarey war-murtiyeed, kan Muqdishona aanu noqon sidoo kale mid aan loo dhameyn ee loo baahan yahay saddexda maamul goboleed ee maqan in shirka ka soo qaybgalaan si qabyo kale aysan u dhicin.
  3. Saamileyda siyaasdadda Soomaaliya waxay dalbanayaan in shirka ay ka qayb galaan, waxaana soo dhaweeyey Puntland iyo Jubaland.

Waxaa socda dedaalo ay wadaan beesha caalamka kaas oo ku aadan sidii saddexda maamul goboleed ee Galmudug, Koonfur-galbeed iyo Hir-shabelle ay shirka uga soo qaybgeli lahaayeen si loo qabyo tiro wixii ka soo baxay Dhuusamareeb 3.

Warar Horseed Media heshey ayaa sheegaya in beesha caalamku waddo cadaadis la saarayo Dowaldda federaalka ah sidii gobolka Gedo oo ka tirsan maamulka Jubaland isfaham looga gaari lahaa ciidamada lagu daabuleyna looga soo sari lahaa.

Haddaba waxaa muuqata shirka Muqdisho in uu yahay mid la isu yimid laakiin muhim ay tahay caqadabaha jira in la xaliyo, halka markii hore ay dhici jirtey iyada oo aan la isu imaan in xujooyinka la isku xiro.

Haddii saddexda maamul goboleed ee kale ay shirka ka soo qayb-galaan, waxaa dhici karta in ciidamada lagu daabuley gobolka Gedo loo qabto wakhti dib loogu soo celiyo xeryahooda ka hor doorashooyinka, taas oo fududeyn karta in shirku furmo. Qodobka kale ee Siyaasiyiinta kale in ay shirka ka soo qaybgalaan waxay noqon mid u taala dhamaan maamul goboleedyada iyo dowaldda federaalka.

Si kastaba waxaa muuqata in shirkan uu noqonayo mid ka weyn qabyotir, laakiin sida uu u furman lahaa caqabado horyaalaan.

Maxamed Cismaan
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *