Madaxweynaha Puntland Oo Booqday Xarunta Aqalka Sare Ee Muqdisho

Published: September 3, 2020

Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo wafdigiisa ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa maanta booqasho ku tagey xarunta aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya.

Waxaa kusoo dhoweeyey guddoomiyaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi, guddiga joogtada ah ee golaha aqalka sare iyo masuuliyiin kale.

Intaasi kadib madaxweyne Deni oo kulan la qaatay guddoomiye Cabdi Xaashi iyo senatarada aqalka sare ayey ka wada hadleen arrimaha doorashooyinka dalka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *