Madaxweyne Ismaaciil C. Geelle Oo La Kulmay Madaxweynaha Galmudug

Published: September 3, 2020

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ‘Qoorqoor’ ayaa maanta kulan la qaatay madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Kulankaan oo ka dhacay qasriga madaxtooyada Jabuuti ayay madaxda uga wada hadleen arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin iskaashiga dhinacyada horumarinta dhaqaalaha, ganacsiga iyo amniga.

Madaxweynaha Galmudug waxaa ku wehliyay shirkaan wasiirada Amniga, arrimaha gudaha,gaadiidka iyo masuuliyiin kale.

Dhinaca kale waxaa madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ku wehliyay kulankaan wasiirka arrimaha gudaha, wasiirka gaadiidka, maareeyaha guud ee dekadaha Jabuuti iyo danjiraha Jabuuti u fadhiya Soomaaliya.

Sidoo kale madaxweynaha Galmudug ayaa ka qaybgalay munaasabad uu madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ku dhagaxdhigayey dekeda cusub ee Jabuuti, taasi oo lagu magacaabay Dameer-joog.

Dekaddan cusub ee Damerjog ayaa loo dhisi doona qaab casri ah ayadoo isla markaana noqon doonta dekadda ugu weyn Jabuuti iyo geeska africa.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *